0 | 1 | 2 | 3 |
4 | 5 | 6 | 7 |
8 | 9 | 10 | 11 |
12 | 13 | 14 | 15 |
Taariikh - Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya.
Afgembigii ka dhacay Soomaaliya Oktoober 1969-kii, waxaa taladii dalka kula wareegey koox saraakiil ah oo ka tirsanaa ciidammadii qalabka sidey ee dalka Soomaaliya. Waxaa saraakiishaas hor kacayey taliyihii milleteriga Soomaaliyeed Jeneraal Maxamad Siyaad Barre. Waxaa xusid mudan in Jeneraal Siyaad, xilligii uu ku xigeenka u ahaa jeneraal Daa?uud, bilowgii iyo bartamihii sanadihii 1960-aadkii, uu masuul ka ahaa xafiis laga maamulayey howl-gallada ciidameed oo ay jabhadihii soomaaliyeed ka wadeen dhulka Soomaalida laga heystay ee Ogaadeenya iyo N. F. D.? Labadii sano ee ugu horeysey ee uu jirey maamulkii Kacaanka (1970-kii iyo 1971-kii) waxaa jirey dhowr kulan oo ey isku arkeen qaar kamid ah masuuliinta soomaaliyeed iyo madax Itoobiyaan ah. Masuuliintaasi waxey ka wada hadleen ismaandhaafka dhexyaal labada maamul oo ey sabab u tahay dhulka ay labada dowladood isku haystaan ee Ogaadeenya. Kulamadaasi waxay ku dhammaadeen is af-garashawaa. Dabayaaqadii sanadkii 1972-kii iyo bilowgii 1973-kii, dhowr jeer ayaa ciidamada labada dowladood ey xabbado isku dhaafsadeen xuduudda labada dal dhex taal, gaar ahaan degmooyinka Doolow iyo Bongol. Golihii Sare ee Kacaanku wuxuu isku deyey in arrinta Ogaadeenya ay ku xalliyaan si nabadgelyo ah. Inkasta oo bilowgii sanadihii 1970-aadkii ay xoog saareen mashaariicda horumarinta dhaqaalaha iyo baraarujinta siyaasadeed ee dadweynaha si ey dadweynuhu uga qeyb qaataan nadaamkii dhisnaa, iyaga oo raacaya manhajka siyaasadeed ee ku saleysan diktaatooriyadda danyarta, sidaasna ay dowladda kacaanku uga sharciyowdo dalka gudihiis . Isla markaas madaxdii kacaanku dib uma ayan dhigan howlaha ku saabsan madax bannaanida gobollada galbeedka Soomaaliya ee gacanta ugu jira Xabashida.? Bishii juun, sanadkii 1974-kii waxaa magaalada Muqdisha lagu qabtey shirweynihii madaxweynayaasha Afrikaanka ah ee uu dhigey Ururka Midowga Afrika O.A.U. Qabashada fadhigaasi waxaa la filayey in uu ku culus yahay Soomaaliya markii dhowr meelood laga eego sida dhaqaalaha ku baxaya fadhiga, sugidda nabadgelyada wufuudda iyo qalabka loo adeegsanayo socodsiinta fadhiga. Laakiin waxaa dhacdey in si wanaagsan loogu guuleystey habsamida uu shirku u dhacay, Soomaalidiina uu halkaas ka raacey magac iyo sharaf. Xilliga shirkaas la qabtey, cilaaqaadka Soomaaliya iyo Itoobiya aad ayuu u xumaa. Qadiyaddii Ogaadeenya shirkii gacan waa ay ka weydey kaddib markii ey madaxdii Afrikaanka intoodii badneyd ey mucaararadeen qadiyaddii iyaga oo oranaya xuduudaha qaaradda Afrika waa in loo daayaa sidii uu gumeysiga kaga tegey ee aanan wax laga beddelin. Xilligaas Maxamad Siyaad wuxuu ahaa odaga ururka, sidaas buuna boqorkii Itoobiya Xeyle Salaase uga soo qeybgaley shirkii isaga oo da?diisu ey kor u dhaaftey 80 sano. Taasina wexey aheyd socdaal uu boqorku dalka dibaddiisa ku tago kii ugu dambeeyey, waayo afgembigii ay ciidamadu ku mijaxaabsheen dowladdiisii xilligaas diyaar buu ahaa. Madaxweyne Siyaad oo bilowgii sanadihii 1980-aadkii u warramaya nin wariye ah oo uu la kulmey, wuxuu u muujiyey sababta ey dowladaha Afrikaanka ah gacan uga weydey qadiyadda ku saabsan muranka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweynuhu wuxuu ka sheekeeyey : Waxaa jirey nin madaxweyne Afrikaan ah oo aannu saaxiib aheyn, kaas oo dalkiisu uu dhowaan madax bannaanidiisii qaatey. Ninkaasi markii uu halganka gobanimo doonka ah uu ku jirey aad baan u kaalmeeyey. Fadhi kamid ah fadhiyadii ururka O.A.U. baa waxaan ka codsadey in aan la kulmo. Laakiin waa uu i diidey in uu ila kulmo. Iyadoo fadhigii uu socdo yaa waxaan ku kulaney hoolkii lagu shirayey meel dibaddiisa ah. Gacantaan kasoo qabtey oo meel gees ah inta la aadey baa waxaan weydiiyey : Maxey tahay sababta aad u diidey in aad ila ula-nto? Waa uu i eegey isagoo didsan, waxuuna iigu jawaabey : Waad ogtahay in aan ahay mid ku xiran kaalmada aan helo, sidaa darteed waxaa layga mamnuucay in aan wax kula qabsado, halis iskama aan gelin karo kaalmada la isiiyo. Tabtaas ayuu iila hadley. Sidaas baad ku aami-ni kartaa in dowladaha Afrikaanka ahi ayan xor aheyn. Dal xoroobaa ma jiro inta uusan cagahiisa ku istaagin. Sidaas bayan u jirin dal Afrikaan ah oo Soomaaliya ay taageero ka heshey . Waa ay ina ayidi lahaayeen haddii ay dowladaha xoogga leh ey farta ugu fiiqi lahaayeen. Haddase waa ay naga fogaanayaan waayo dowladaha waaweyn ayaa sidaas raba.? Markii ay ciidammadii Itoobiya majaxaabiyeen xukuumaddii boqor Xeyle selaisse, golihii sare ee ciidamada Itoobiya wexey doorteen in ey dalka ku maamulaan nadaamka Hantiwadaaga ah. Madaxdii Soomaaliya oo arrintaas ku farxey ayaa si qarsoodi ah uga codsadey saraakiishan horusocodka ah in ey Ogaadeenya xoreeyaan si ay u hoos timaado maamulka dowladda Soomaaliya, halkaasna lagu wanaajiyo xiriirka labada shacab ee in muddo ah aanan hagaagsaneyn. Madaxdii Itoobiya waxaa ku adkaatey in ey bixiyaan dhulka Ogaadeenya oo baaxaddiisu tahay 45 % dhulka Itoobiya. Dhallinyarada reer Ogaadeenya, wexey si buuxda ula socdeen akhbaarta ka imaanaysa Itoobiya iyo kacdoonka ey xilligaas wadeen ciidamada Itoobiya iyo ardada dugsiyada, taas oo ay natiijadeedii ay ku dhamaatey afgembigii maamulkii boqortooyada. Markii khabarkaas la xaqiijiyey ayaa ardadii Xamar joogtey ee ahaa reer Ogaadeenya waxaa ku dhalatey fikrad ah in halgankooda uu ka madax bannaanaado dowladda Soomaaliya. Waxey bilaabeen fadhiyo ka madax bannaan maamulkii dalka u talinayey. Arrintaasi waxaa ku qanci waayey saraakiishii ka talinayey Soomaaliya. Madaxweyne Maxamad Siyaad labo jeer ayuu kulan la yeeshey ardeydii, wax heshiis ahna waa ey gaari waayeen. Dhowr boqol oo ardeydii kamid ahaa baa xabsiyada loo taxaabey. Arrintii wexey sii murugtey markii rag 150 nin ahaa ay ka soo noqdeen waxbarasho ciidameed oo ay ugu maqnaayeen dalka Waqooyiga Kuuriya. Raggaasi badankoodu waxey ahaayeen Ogaadeen. Dowladdu wexey u soo bandhigtey in ey ciidamada Soomaaliyeed ka mid noqdaan oo dhammaantood saraakiil laga dhigo, si markaas ay u hoggaamiyaan dagaalka lagu damacsan yahay in lagu xoreeyo Ogaadeenya. Waa ay diideen, waayo waxaa u muuqatey, haddii ay kamid noqdaan ciidamada Soomaaliya in si toos looga maamulayo taliska wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, taasina uma ayan arag in ay maslaxad u tahay aayaha halgankooda. Raggii diidmada la yimid, iyaguna xabsiyada ayaa loo taxaabey. Waxaa jirey koox yar oo ashkhaas ah oo dowladda xiriir wanaagsan la lahaa. Kooxdaasi waxey aha yeen ragga xiriiriya madaxdii dowladda Xamar iyo dadka Soomaaliyeed ee deggan gobolka Ogaadeenya. Kooxdaas dowladda gacan saarka la laheyd, markii ay arkeen in raggoodii la wada xirey, iyagiina wexey bilaabeen in ay gadoodaan, sidaas baa iyagiina lagu xirey. Maxamad Diiriye Uurdoox oo ahaa madaxa jabhaddii la?oranjirey United Front Western Somalia oo la aasaasey 1972-kii, wuxuu kamid ahaa raggii ugu horeeyey oo la xirey. Khilaafkaasi wuxuu dhacay bilowgii iyo bartamihii sanadkii 1974-kii. Bilowgii sanadkii 1975-kii, dowladdii Soomaaliyeed waxey markaas bilowdey in ey ururiso ciidamadii jabhadda Ogaadeenya, waxaana loo xil saarey jeneraal Galaal. Dhammaan raggii xirnaa waa la soo daayey si ay uga qeyb qaataan abaabulka dagaalka hubeysan oo lala gelayo dowladda Itoobiya. Soomaalidu waxaa kale oo ay ka faa?iideysanayeen xaaladda qallafsan oo ey Itoobiya ku sugneyd. Saraakiisha u talinayey Itoobiya waxey xilligaas wadeen isa sifeyn dhexdooda ah, si ay kooxi xukunka ugu harto. Raggii kacdoonka u jidbeysnaa oo ay ugu horreeyeen askartii la oran jirey Dergo ayaa wexey laayeen saraakiishii sare ee Itoobiya intoodii badneyd. Ciidamadii dalka qabsadey waxey ku dhawaaqeen in ey dalka ku maamulayaan mabaadiida Hantiwadaagga Cilmiga ku Dhisan. Halkaasna waxaa dhaawac kaga yimid cilaaqaadkii ay Itoobiya la laheyd dalka Maraykanka. Waxaa la ogsoonyahay hubka ay ciidamada Itoobiya xilligaas heysteen in uu ahaa mid ay sancadiisa lahaayeen Mareekanku. Markii ay Itoobiya ku biirtey bahweynta beelaha Hantiwadaagga ah waxey waayeen qalab ay ku dayactiraan hubkii ay ciidamadoodu haysteen, kaas oo ay ka helayeen Maraykanka. Dhanka kale, Ruushka weli xiriir adag ma ayan yeelan oo waa ay isku cusbaayeen. Dhaawac kale ayaa dowladdii Itoobiya kaga yimid dhanka jabhadihii Eriteeriya oo xilligaas intey midoobeen weerar adag kusoo qaadey waqooyiga Itoobiya, dhulka bannaan ee waqooyiga Itoobiya intiisii badneydna gacantooda ayuu galey. Ducfigaas ku yimid nadaamkii Addis-ababa ka talinayey wuxuu fursad siiyey saraakiishii ka talinayey nadaamkii ka dhisnaa magaalada Xamar in ay ku fekeraan in ay duullaan ballaaran ku qaadaan Itoobiya. Saraakiisha golahii sare ee Kacaankii Soomaaliya ka talinayey waxey qiyaaseen in istraateejiyada guusha ee dagaalka uu dhankooda noqonayo haddii uu dagaal dhexmaro Soomaaliya iyo Itoobiya. Markii loo kuur galo arrimaha ay madaxdii Soomaaliyeed is tusiyeen in ay ku kaalmeynayso guusha dagaal lagu qaadoItoobiya, waxaad arkeysaa, haddii ay aragti sare ku fekeri lahaayeen in ay xaqiiqadu ka duwan tahay tan iyaga markaas u muuqatey. Saddex qodob baa lagu soo koobi karaa sababaha ey isyiraahdeen waad ku guuleysan kartaan, waxeyna yihiin: Qodobka koowaad wuxuu yahay iyaga oo ka ciidan fiicnaa dowladda Itoobiya, haddey noqoto xagga dhismaha ciidanka, niyadda ciidanka iyo qalabka ay ciidamadu sitaanba. Tirada iyo tayada ay ciidamada Soomaaliyeed lahaayeen intaanan dagaalku dhicin wexey aheyd: 23,000 oo nin, kuwaas oo si wanaagsan u tababarnaa, nadaamkooda iyo kala dambeyntooduna ay sarreysey. 250 taangi oo noocyadoodu ahaayeen T-34, T-54 iyo T-55 oo taangiyada dhexe ah, kuwaas oo ay sancadooda lahaayeen dalkii la oranjirey Soofyeetiga. In kabadan 3000 oo gawaarida gaashaaman ah, kuwaas oo ciidamadana lagu qaado, 52 dayuuradood, 24 kamid ah ay ahaayeen Mg-21. Nooca dagaalka ee dhawaaqa ka dheereeya (Supersonic) .Taangiyadaa iyo gawaaridaa gaashaaman baa waxey ciidanka Soomaaliyeed siiyeen in ay saddex jibbaar ka bataan taangiyada iyo gawaarida gaashaaman ey ciidamada Itoobiya heystaan. Xabashidu iyagu ciidamadooda cirka wexey lahaayeen tiro illaa 40 dayuuradood ah oo kuwa dagaalka. Waxaa intaa weheliya dhow dayuuradood oo ay dowladda Iiraan u soo gaddey dowladda Itoobiya intuusa Xeyle Salaisse dhicin. Dayuuradahaas oo ah kuwa dagaalka, noocoodu wuxuu ahaa F- 5 oo ay sancadoodu laheyd dowladda Mareekanka. Tallaabadaas ay Iiraan qaaddey waxey ka dambeysey siyaasaddii uu boqorkii Iiraan Shaah Maxamad Ridaa Al-Bahlaawi uu ku damacsanaa in uu Ruushka kaga saaro bariga Afrika. Markii uu dagaalkii bilowdey ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa ay haysteen 16 dayuuradood ee kuwa dagaalka ah noocooduna yahay F- 5A/Es. Waxaa intaas weheliyey duuliyayaasha dayuuradaha dagaalka ee Itoobiya oo ahaa kuwo khibrad wanaagsan u lahaa ku dagaalanka dayiuuradaha ey heysteen. Qodobka labaad oo ey Soomaalidu is tusiyeen in uu hiillo uyahay baa wuxuu ahaa xiriirkii wanaagsanaa oo ey la lahaayeen dowladdii Midowga Sofyeeti. Xiriirkaasi wuxuu gaarey halkii ugu sarreeyey xilligaas. Bilowgii sanadkii 1974-kii waxaa dalka booqasho ku yimid wafdi ciidameed oo ka socdey dalkii Midowga Sofyeeti. Waxaa hoggaaminayey nin sarkaal ah oo la yiraahdo Marshal Sergey Grejkov. Booqashadaas waxey daba socotey mid sanadkii 1973-kii uu ku yimid Soomaaliya wasiirkii gaashaan dhigga ee Sofyeetiga Marshal Trejko, ooay hoggaankii dowladdii Soomaaliyeed isku af-garteen dagaalka lagu qaadayo Itoobiya. Ruushku wuxuu xilligaas Soomaalida u muujiyey in uu daneynayo dagaalka Ogaadeenya lagu xoreynayo. Marshal S. Grejkov markii uu Soomaaliya yimid bilowgii 1974-kii, wuxuu la kulmey Madaxweyne Maxamad Siyaad iyo masuuliin sare ee ciidamada Soomaaliya oo ey kamid yihiin Jeneraal Maxamad Cali Samatar iyo Gaashaanle Sare Galaal. Marshaalku markuu arkey in madaxda Soomaaliyeed ay daneynayaan dagaalka Xabashida wuxuu u ballan qaadey in uu u soo dirayo niman khuburo ah oo arrinkan la habeeya. Dhambaalka uu Marshaalku wadey oo uu saraakiisha Soomaalida u sheegay wuxuu ahaa in dalka Masar iyo Suudaan ay ku cayaareen isu dheellitirkii xoogagga adduunka, in ayan jirin dowlad Hantiwadaag ah oo u soo gurman karta saaxiibaddeed haddii uu dagaal qabsado. Marshaalku arrintaas waxaa uu ula jeedey markii Masar iyo Suudaan ay xiriirkii iskaashiga ahaa u jareen dowladdii Sofyeetiga, markaas oo saldhigyadii uu ku lahaa kanaalka Suweys uu lumiyey, dhaqdhaqaaqii ay ciidamadiisu ku lahaayeen degaankuna uu ciriiri galey. Wafdigii xigey ee khubarada ahaa waxaa hoggaaminayey nin Admiraal ah, kaas oo la kulmey masuuliin ka socda ciidamada sida Jeneraal Maxamad Cali Samatar, Gaashaanle Sare Abuukar Xasan (Suulalley) iyo Galaal. Admiraalku wuxuu si tafa tiran uga warramey aragtida uu Ruushku ka qabo in Ogaadeenya dagaal lagu soo ceshado. Markaas ayaa dowladdii Soomaaliyeed iyo saraakiishii masuuliinta ka ahaa ciidamada ay ku dhiirradeen in ay gobanimo doonkii Ogaadeenya dib u soo nooleeyaan. Waxyaabaha Soomaalida dhiirrigeliyey wuxuu ahaa Ruushka oo mowqif cad oo is garab taag ah u muujiyey. Markaas baa Soomaalidu waxey codsadeen in ay helaan hub casri ah oo ay ku dagaal galaan. Ruushkiina waa uu ka aqbalay. Wareysi ey idaacadda B.B.C. laanta af-soomaaliga ey la yeelatey Jeneraal Galaal 5/ 3- 2000. Qodobka saddexaad wuxuu yahay xiriirka shakhsiga ah ee qarsoonaa ee uu Maxamad Siyaad la yeeshey dowlado shisheeye ah oo ey ugu horreeyaan Maraykanka iyo Sacuudiga. Bilihii ugu horreeyey sanadkii 1977-kii, waxaa jirey farriimo ka imanayey dalka Soomaaliya iyo madaxweynaheeda Siyaad ee ku socdey Washington. Farriimahaas waxaa soo qaadayey rag Maraykan ah ee Soomaaliya booqasho ku tegayey iyo siyaasiyiin u dhashey dalal kala duwan oo Carab ah. Qaabka ay farriimahaas ku baxayeen waa ay kala duwanaayeen, laakiin dhammaantood wexey sheegayeen in Maxamad Siyaad uu diyaar u yahay in uu khiyaano Ruushka oo uu raadinayo in uu xiriirka la sameysto waddamo ay kamid yihiin Maraykanka iyo Sacuudiga. Waxaa kale oo jirey ballan qaad ay Sacuudiga iyo Iiraan bixiyeen oo ah in ay maalgelin ku sameynayaan mashaariic horumarin ah ee waaweyn oo laga qabto dalka Soomaaliya haddii ey Ruushka eryaan. Kacaankii Itoobiya ka curtey wuxuu doortey siyaasadda bidixda ah oo u janjeerta aragtida shuuciyadda. Dowladdii Maraykanka waa ay ku qanci waydey arrintaas. In ay fara gelin toos ah sameyso waa ay ka xishoonaysey, waayo waxey ka soo baxdey fadeexado siyaasadeed oo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen dagaalkii Vietnaam iyo fadeexaddii Watergate. Maraykanku wuxuu sibuuxda ula socdey diyaar garowgii ay dowladda Soomaaliyeed waddey. Sidaas darteed, madaxdii Mareykanka waxey is tuseen in ay Soomaaliya xanuujiso Itoobiya oo dhengaddii ay iyadu la dhici laheyd ey soomaalidu la dhacaan, si ay mar kale Itoobiya ugu noqoto dhabta Maraykanka.
David Korn oo ahaa diblomaasi Maraykan ah oo muddo ka shaqeynayey dalka Itoobiya ayaa wuxuu yiri : ? Jawaasiista Maraykanku si wanaagsan ayey ula socdeen duulaanka ey Soomaaliya ku soo qaaddey Itoobiya. Markii ay Soomaaliduduullaanka qaadeenna Maraykanku wuxuu si sax ah u ogaa halka ey ciidamada Soomaalidu marayeen, goorta ay marayeen iyo mexey la kulmeen?.Maraykanka, isaga oo adeegsanayey wararkaas ay helayeen, ayaa toddobaad ka hor intaanan ciidamada Soomaaliyeed ayan dagaalka gelin, ayaa madaxweyne Jimmy Carter, wuxuu caddeeyey in uu qabo in uu ciidamada Soomaaliya ku taageero hub difaac ah. Taasina waxey aheyd is garabtaag aan wax tar lahayn ?qowda maqashii waxna ha u qaban?. Waxaa kale oo loo fasiri karaa ishaaro la siinayo maamulkii Soomaaliya oo macneheedu yahay horay u dhaqaaqa oo Itoobiya ku duula, hortiinana wadadu waa ay furan tahay. Bilowgii bishii juun 1977 kii ayaa madaxweyne Jimmy Carter dhambaal sir ah u soo diray madaxweyne Maxamed siyaad.Carter wuxuu dham balkiisaas ku leeyahay "arrinta ogaadenya waa howl aanan i khuseyn, haddiise aad ka harto dhulka aad ku sheeganeyso Kenya iyo Jabuuti, waxaan isku deyayaa in aan daboolo baahidaada difaac". Ayaamo kaddib, danjirihii Soomaaliya u fadhiyey magaalada Washington Axmad Caddow ayuu Carter u sheegay in dowladdiisu ay dhiirri-gelineyso dowladaha saaxiibada la ah si ay Soomaaliya uga kaalmeeyaan xagga difaaca. Danjire Axmad Caddow wuxuu gaarsiiyey madaxweynihii Mareykanka J.Carter dhambaal ka yimid madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad. Dhambaalku wuxuu xambaarsanaa farriin uu madaxweyne Siyaad ku sheegayo in uu doonayo in uu ka baxo dagaalka uu Itoobiya ku qaadey. 17-6-1977 kii ayuu madaxweyne Carter la kulmey danjirihii Soomaalida Caddow, Danjire Caddow wuxuu madaxweynaha u gudbiyey dhambaalkan degdegga ah (urgent massage), taasoo uu madaxweyne Siyaad ku eedeynayo dowladda Itoobiya oo ay la socdaan ciidamo Ruush ah in ay doonayaan in ay ku soo duulaan Soomaaliya. Hey?adda wardoonka ee Mareykanka C.I.A. waxey madaxweyne Carter u sheegeen in warkaasi uu been yahay, xaqiiqaduna ay tahay in Soomaalidu ay iyagu dagaalka wadaan. Carter markii uu warar sugan helay, jawaabtii uu Soomaaliya u soo celiyey waxey aheyd in haddii Soomaaliya la soo weeraro ay Mareykanka ka heli doonto kaalmo ah hub ay isku difaacdo. Cabsida uu madaxweyne Siyaad soo sheegay, Carter wax qiimo ah uma uusan yeelin. Nin la yiraahdo Paul B. Henze oo sheekadan wax ka tilmaamey, wuxuu qorey in mowqifka madaxweynaha Mareykanka J. Carter uusan aheyn qaabka uu danjire Caddow ugu sheegay madaxweynaha Soomaaliya M. S. Barre. Si kastaba arrinku ha ahaatee, waxaa muuqata in waxa Maxamad Siyaad kadiyey ay ka mid aheyd isaga oo is tusiyey in uu ka faa?iideysto Carter oo loo arkey shakhsi daciif ah. Waxaa kale oo ballan qaad ku saabsan taageero xagga hubka ay Soomaaliya ka heshey dowladaha Masar, Iiraan iyo Bakistaan. Ballan qaadka dowladda Mareykanka waxaa warbixin kooban ka sheegay wargeyska la yiraahdo(Newsweek) ee soo baxay 26-kii sebtember 1977-kii. Wargeysku wuxuu soo qorey Mareykanku markuu ballan qaadka siinayey Soomaaliya, xogheynta arrimaha dibadda ayaa waxey Maxamad Siyaad u dirtey nin takhtarkiisii gaarka ahaan jirey oo la yiraahdo Kevin Cahill oo ah nin Mareykan ah. Dhambaalka uu sidey wuxuu ahaa in dowladda Mareykanka aysan hadda kaddib ka soo horjeedin dagaalka jabhadaha Soomaaliyeed ay ka wadaan gobolka Ogaadeenya, haddana waxaannu diyaar u nahay inaannu soo dhoweyno baahida difaac oo ay Soomaalidu u baahan yihiin. taasna waxaannu wax ka qabaneynaa haddii ay Soomaaliya ka harto sheegashada Jabuuti iyo waqooyiga Kenya (N.F.D.). Arrintaas oo aheyd dhambaal caddaan ah oo muujineysa is garab istaaga dhaqdhaqaaqa ka bilowdey Ogaadeenya ayaa waxaa la oran karaa waa midda ugu weyn ee hoddey madaxdii soomaaliyeed iyo madaxweynahoodii. Sidaas baana dowladdii Soomaaliyeed ayan uga shakin in ay Itoobiya ku duusho iyada oo ku tashaneysa kaalmada Mareykanka, Sacuudiga iyo dowlado kale oo la xerada ah. Soomaalidu waa ay ku tala galeen in kaalmada Ruushku ay istaagi karto, laakiin waxaa is tusiyey in ay hayaan xooggii buuxin lahaa meesha banaanaata. XAALADDA ITOOBYA? Dhanka Itoobiya xilligaas waxaa mira dhaley dhaqdhaqaaq ay ardeyda Itoobiyaanka ah dibadda dalkooda ka wadeen. Sannadihii 1960-aadkii iyo bilowgii 1970-aadkii waxaa Yurub iyo Mareykanka ka jirey urur ay lahaayeen ardeyda Itoobiyaanka ah oo aad u xoog badnaa, dhammaan ardeyda Itoobiya oo dibadda joogteyna wexey ka?ahaayeen xubno. Aragtida ay ardeydaasi qabeen wexey aheyd aragtida hantiwadaagga cilmiga ee Maarkisiyada ah. Ardadaasi markii ay Itoobiya ku noqdeen si xoog ah bey u saameeyeen ardadii gudaha ku jirtey dareenkoodii siyaasadeed. Mushkiladda ay ardeydu tabanayeen waxey aheyd in Eriteriya xal loo helo iyo in lahaanshaha dhulka la xadeeyo. Waxaa jirey saraakiil badan oo ciidammada ka shaqeynayey oo ardeyda la qabey aragtida ah in la qarameeyo hantida dalka,Itoobiyana lagu dhaqo mabaadiida Hantiwadaagga ah. Arrin xusid mudan baa wexey tahay in xilligaas ay dhulka beeraha ku wanaagsan ee Itoobiya ay lahaayeen dad tiro yar oo hanti-goosi ah, dadweynahana ay baahi u bakhtiinayeen. Dhaqdhaqaaqaasi wuxuu sababey kacdoonkii socdey dhowrkii bilood ee ugu horreeyey sannadkii 1974-kii, kaas oo ay ka qeyb qaateen ardeydii, macallimiintii, shaqaalihii, darawaliintii tagaasida oo batrool la?aantu saameysey, wadaaddadii muslinka ahaa oo cadaadiska lagu hayey. Markii uu maamulkii boqortooyada wax ka qaban waayey kacdoonkii, boqorku wuxuu casiley ra?iisul wasaarihii dalka Aklilu Habte Wolde, waxaa jagadii loo magacaabey nin la yiraahdo Endalkatchew Makonnen. Markii uu kacdoonkii joogsan waayey ayaa ciidammadii ay siyaasaddii faraha la soo galeen. 28-6-1974-kii, ciidammadu waxey dhiseen gole saraakiil ah oo ay ku magacaabeen Coordinating Committee (Golaha xiriirinta). Golahaasi wuxuu isu taagey in uu muujiyo maslaxadda ciidameed oo ah in uu dalku helo xasillooni siyaasadeed. Goluhu wuxuu ka kala yimid qeybaha ciidammada qalabka sida oo ay Itoobiya laheyd, wuxuuna ka koobnaa 108 sarkaal. Badankoodu waxey ahaayeen saraakiil yaryar oo waxa ay daneynayeen eeyan dhaafsiisneyn mushaharka oo loo kordhiyo. Inkasta oo dadweynuhu ay ku khasbayeen in goluhu uu qaado tallaabo siyaasadeed oo degdeg ah, taas oo ay kula wareegaan maamulka dalka, misana saraakiishu bilowgii si dahsoon bey afgembigoodii u wadeen, iyaga oo raggii maamulka hayey midba mar ka takhallusaya, fadhiyo iyo doodo qarsoonna waxey la galaan guddiyadii hoggaaminayey dadweynihii kacdoomey. Goluhu wuxuu wakhti dambe la baxay Dergo oo macnaheedu yahay Gole. 28-8-1974-kii waxaa la soo saarey hal ku dheggii golaha oo ah (Itopia Tikdem) oo ay macnaheedu tahay Itoobiya ayaa horreysa. Golihii waxaa ka hoos abuurmey guddi hoosaad oo ay shaqadiisu tahay in uu soo qabto oo xabsiyada dhigo wasiiradii iyo siyaasiyiintii maamulka boqortooyada. Guddi hoosaadkaas waxaa ka mid ahaa : Gaashaanle Mengiste Xeyle Mariam oo madaxweyne noqon doona .? Gaashaanle Berhanu Bayeh safxadda 15 . Gaashaanle Kiros Alemayehu oo wakhti dambe inta la xirey xabsiga isku diley . Gaashaanle Daniel Asfaw oo aanan golaha ka mid aheyn, lase shaqeeyey, waa la toogtey .? Gaashaanle Sisay Habte aqoonyahan sarkaal ciidanka cirka ka tirsan, waa la toogtey . Laba Xiddigle Sileshi Beyene waxaa lagu diley amar uu bixiyey Mingiste.? Laba Xiddigle Bewketu Kassa waxaa isna lagu diley amar uu Mingiste bixiyey. Dhamme Miikail Gebrenegus oo markii dambe intuu baxsadey ku biirey urukii ka dagaallamyey Eriteriya sannadkii 1975-kii . Guud ahaan, saraakiisha Itoobiya ee dhaqdhaqaaqa waddey, waxaa ku dhex jirey khilaafaad ku saleysan meelihii kala duwanaa oo ay tacliinta milleteri ku soo qaateen. Ragga wax ku soo bartey kulliyadaha reer galbeedka waxey ahaayeen rag akaadeemik ah oo ay tacliintooda ciidameed ay sarreysey. Qolo kale oo kulliyadihii dalka gudihiisa ahaa bey ka baxeen, tacliintooda waa ay hooseysay, waana ay dareensanaayeen in laga tayo wanaagsan yahay. Qolo kale ayaa jirtey oo ahaa ciidamada cirka iyo kuwa badda oo iyagu aaminsanaa in ay yihiin kuwa ugu tacliin wanaagsan ciidammada dalka. Sida la ogsoon yahayna Itoobiya waa dal laga aaminsan yahay kala sarreynta dadka ee maaddiga ah. 7-dii iyo 8-dii bishii sebtember sannadkii 1974-kii, fadhi ay guddi hoosaadkii qaateen, ayey isku tusiyeen in wax ka hor imaad ah uusan jireynin haddii uu goluhu boqorka kala wareego talada dalka. 10-kii sebtember guddigu wuxuu guddoonsadey in ay talada dalka la wareegaan. Iyaga oo doonaya in ay sii kororto colaadda uu shacabka u qabo boqorka iyo nadaamkiisa bey waxey adeegsadeen filim dokumenteer ah oo uu duubey nin la yiraahdo Jonathan Dimbelby?s oo ku saabsan abaarihii xilligaas Itoobiya ka jirey iyo rafaadkii ka muuqdey nolosha dadkii reer miyiga ahaa. Abaartaas waa abaartii ay Soomaalidu u tiqiin Daba Dheer. Guddigu wuxuu adeegsadey telefishinkii dalka oo uu ka sii daayey barnaamijkaas oo horey inta loo duubey la qarinayey. Waxaa kale oo telefishanka laga sii daayey filin ku saabsan nolosha boqorka iyo dadka ag jooga. Waxaa ka mid ahaa waxyaabihii dadweynaha loo soo bandhigey, boqorka oo eeyadiisii hilib ku siinaya suxuun qalin ka sameysan. Xilligaas magaalooyinka Itoobiya waxaa telefishan ka lahaa caasimadda oo keliya. Dadweynihii caasimadda ku noolaa oo filimkaas daawadey waxey diyaar u noqdeen in ay soo dhoweeyaan aragti walba oo nadaam-ka boqortooyada afgembiyeysa. 12-9-1974-kii ciidamadii waxey xireen boqorkii iyo wasiiradiisii, golihiina waxey u fariisteen in ay iska doortaan nin hoggaamiye ah. Waxaa la soo bandhigey in guddoomiye loo doorto Gaashaanle Atnafu Abate. Golihii waa ay ku qeybsameen, waayo qolo kale ayaa waxey wateen in goluhu uu oday ka noqdo Mengiste, waayo nin amxaar ah ma ahan, wuxuu ka dhashey qowmiyadihii boqorku lahaa ee cadaadiska lagu hayey, iyagoo doonayey iney jebiyaan dhaqankii maanoboolka ahaa oo ay Xabashidu ku heysatey dadyowga ay isku degaanka yihiin. Si khilaafka u yaraado ayaa golihii waxey guddoonsadeen in ay labadii sarkaal ka leexdaan oo ay doorteen Jeneraal Ammaan Maikal Andom taliyihii qeybta saddexaad ee ciidammada Itoobiya. Markii Ammaan la doortey Mengiste ma uusan fariisan ee hoostaas buu wuxuu ka wadey dhaqdhaqaaq uu ku curyaaminayo golaha iyo saraakiisha xubnaha ka ah isaga oo uu wadey damac ah in uu isaga ka odayeeyo dalka. Jeneraal Ammaan oo in muddo ah u soo khidmeynayey ciidamada Itoobiya,wuxuu ahaa nin aqoonyahan ah, dadweynaha reer Itoobiyana sumcad wanaagsan ku leh. Jananku wuxuu muujiyey in uu doonayo in uu arrinta Eriteriya ku xalliyo si nabad ah. Mengiste, aroornimadii ay taariikhdu aheyd 23-11-1974-kii wuxuu ku kallahay guriga jeneraal Ammaan, isaga oo kala doodaya aragtiyaal uu qabey. Isla maalintaas ayuu Mengiste wuxuu amrey in jeneraalka lagu xabbiso gurigiisa, waxaa kale oo uu xabsiyada u taxaabey 22 ka mid ahaa saraakiishii dalka oo uu ku dareensanaa in eeyan raalli uga noqoneynin inuu xukunka maroorsado. Jeneraal Ammaan xabsiga ayuu isku diley. 24-11-1974-kii, Mengiste wuxuu laayey saraakiil badan oo uu ku eedeeyey in ay ka soo hor jeedaan kacaanka Itoobiya. Waxaa kale oo xilligaas la diley 59 qof oo ka tirsanaa eheladii boqorka iyo saraakiishii ilaalineysay. Waxaa la xirey nin kasta oo magac ku lahaa maamulkii boqortooyada. Dalkiina waxaa u bilaabatey taariikh cusub oo dil iyo argagixiso ah, taas oo ka duwan tii uu dilkii iyo argagixisadii maamulkii boqorka. Kacaankii ku bilowdey hal ku dhegyadii ahaa (dhiig la?aan dhiig la?aan) wuxuu isu beddeley kacaan dooxato ah. Sidaas baa waxaa ku dhalan rogmey dabeecaddii ay ku dhismeen golihii ciidamada oo ujeeddadoodu aheyd in ay dalka ka badbaadiyaan dhibaatooyinka uu ku sugnaa, si nabadeyn ahna ay xal ugu raadiyaan. 20-12-1974-kii ayuu golihii wuxuu guddoonsadey in uu ku baaqo bayaankii ahaa in ay dalka ku dhaqayaan nadaamka Hantiwadaagga cilmiga ee Maarkisiyada-Liininiyada ah. Jeneraal Tafari Banti ayuu ahaa guddoomiyihii golaha ee ka dambeeyey Jeneraal Ammaan, waxaa dhanka dadweynaha uga magac weynaa Mengiste, waayo Mengiste wuxuu ahaa nin firfircoon oo geesi ah. Kartidiisa iyo dadaalka uu halgankan u galey baa waxey keentey in uu Mengiste noqdey nin calaamad u ah halgankii ardeyda. Ardaydu bannaanbaxyadooda waxey ku dhawaaqayeen (Viva Mengiste). Mengiste wuxuu xilligaan golaha ka ahaa ku xigeen. 3-2-1976-kii ayaa fadhi uu taliskii goluhu ku lahaa aqalka la yiraahdo Menilik ayaa Mengiste iyo intii raacsaneyd si kedis ah fadhigii uga kaceen dabadeedna ay dibadda u baxeen. Waxaa xigey ciidammadii Mengiste waardiyaha u ahaa ayaa hubkoodii la soo galey qolkii ay saraakiishu fadhiyeen, dabadeed halkaas ayaa lagu laayey dhammaan saraakiishii xubnaha ka ahaa golahii badbaadada Itoobiya. Ciidammada wax laayey waxaa hoggaaminayey sarkaal dhallinyar oo la yiraahdo Daniel Asfaw. Saraakiisha la laayey waxaa kamid ahaa guddoomiyihii golaha badbaadada Itoobiya Jeneraal Tafari Banti. Maalintaas maalinkii xigey ayaa Daniel Asfaw waxaa weerarey ciidan raacsanaa Jeneraal Tafari, markuu arkey in uusan baxsaneynin ayuu qorigiisii isku diley. Sidaas buu Mengiste ku noqdey guddoomiyihii u soo harey madaxtinimada golihii saraakiisha ee badbaadinayey Itoobiya. 4-2-1976-kii ayuu golihii ku dhawaaqey in gaashaanle dhexe Mengisto Xeyle Mariam uu yahay madaxa siyaasadda Itoobiya. Andrei Ivanov oo ah nin Ruush ah diraasaadna ku sameeyey dagaalkii 1977-kii dhexmarey Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu xusey in boqor Xeyle Salaisse oo nool ay dowladda Ruushka u sheegtey in ay la rabaan Mengiste in uu madaxweyne ka noqdo dalka Itoobiya. Andrei Ivanov wuxuu yiri : Waxaa isweydiin leh, Maxamad Siyaad hadduu sidaas u ogaa, muxuu Mengiste dagaal ugu qaadey. Dowladihii hantiwadaagga ahaa waxey bilaabeen in ay xiriir diblomaasiyadeed oo adag ay la yeeshaan dowladdii ka curatey Itoobiya, si ay uga qeyb qaataan mashruuca siyaasadeed ee lagu hantiwadaageeynayo dowladda Mengiste. Dalkii la?oran jirey Jarmalka-bari ayaa u soo direy wafdigii ugu horeeyey ee Addis-ababa yimaada, socdaalkaasna wuxuu dhacay dhowr toddobaad kaddib markii uu Mengsite la wareegey taladii dalka Itoobiya. Wafdiga Jarmalka waxaa hoggaaminayey wasiirkii arrimaha amniga, kaas oo ka mid ahaa guddigii siyaasadda ee xisbigii u talinayey dalkaas, magaciisana waxaa la?oran jirey Walter Lamberz. Wafdigu fadhi ay la qaateen Col. Mengiste, wexey ku heshiiyeen in Itoobiya ay u soo diraan wafdi ka socda golaha dhexe ee xisbiga shuuciga ah ee ka taliya Jarmalka-bari, si ay Mengiste ugala taliyaan sidii uu u dhisi lahaa xisbi hantiwadaag ah oo Itoobiya ka taliya. Wafdigaas lagu ballamey oo markii uu yimid Itoobiya sagaal bilood ku sugnaa ayaa wuxuu markhaati ka yahay sida ay dowladaha Hantiwadaagga ah ay u sugayeen xukunka Mengiste. Inkasta oo uu nidaamkii dowladda soomaaliyeed ahaa mid keligii talis ah, misana xilligaas waa uu uga naxariis badnaa dadkiisa marka loo eego nidaamkii Itoobiya ka jiray. Jeneraal Siyaad wuxuu darajadii ka qaaday odayaashii siyaasadda ku jiray dhammaantood, isaga oo xabsiyada u taxaabey. Nin kasta oo uu soo daayeyna shuruud ayaa la socotey iyo ilaalo adag oo uu daba dhigay. Qaarkood dalka waa uu ka eryey isaga oo si toos ah ugu sheegay in ay dalka ka baxaan. Raggaas waxaa ka mid ahaa Cali Barre Jaamac (Ciddi Libaax). Waxaa shaqadii laga eryay agaasimayaal badan oo mu?asasaadka dowladda mas'uuliyiin ka ahaa, dabadeed booskoodii waxaa lagu buuxiyey dhallinyaro aqoonyahanno ah laakiin lagu xushay kacaannimo. Inkasta oo ay dowladdu xaalad dagaal ay isu diyaarineysay, misana Jeneraal Siyaad wuxuu ciidammadii ka fogeeyay saraakiishii sare ee dhismihii ciidammada soomaaliyeed oo maamulkiisa sida xoogga leh loogu qaddarin jiray. Waxaa raggaas ka mid ahaa: Sareeye Guuto Maxamad Cali Mire, wuxuu xilligaas ahaa maareeyaha warshaddii caanaha. Sareeye Guuto Cali Xaashi, wuxuu ahaa maareeyaha wakaaladda dekadaha Soomaaliyeed. Sareeye Guuto Jaamac Aw-Muuse, wuxuu ahaa maareeyaha wakaaladda cuntada (E.N.G). Sareeye Guuto Cismaan Sabriye Sokorow. Sareeye Guuto Maxamad Abshir Muuse, xabsiga ayuu ku jirey. Sareeye Guuto Cabdullaahi Faarax Hoolif, xabsiga ayuu ku jirey. Shacabka Soomaaliyeed kuma uusan baraarugsaneyn xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta, taasi waxaa ay abuurtay jawi xasillooni iyo nabad aysan wax fadqalalo ah jirin. Shacbiga soomaaliyeed intiisa badan wuxuu ahaa kacaan, wax dowladda mucaarad ku ah oo la tilmaami karo ma jirin. Bal waxaa sumcadda dowladda kor u sii qaaday mashaariic xilligaas la fuliyay oo ay ka mid ahaayeen qoristii xuruufta af-soomaaliga iyo ololihii waxbarashada reer miyiga, mashruucii abaartii Daba Dheer, barnaamijkii wax soo saarka beeraha ee la oran jiray "Crush program" , shaqaalihii faraha badnaa oo mushaharka loo qorey. Waxaa kale oo intaas weheliyay baraarujintii iyo wacyi-gelintii joogtada aheyd oo ay wadeen shaqaalihii wasaaradda warfaafinta. Sidaas baa dowladdii kaga nabad heshay shiqaaq siyaasadeed ee gudaha dalka kaga yimaada. Siyaasadda dibadda qudheeda, dowladdii Soomaaliya horumar muuqda ayey ka gaareen. Guulaha la tilmaami karo oo ay soomaalidu xilligaas heleen waxaa ka mid ahaa : 1972-kii, waxaa ay ku guuleysteen in ay heshiisiiyaan labada dal Ugaandha iyo Tansaaniya oo labadooda madaxweyne uu dhex yiil khilaaf adag. Isla sanadkaas Soomaaliya waxaa ay xubin buuxda ka noqotay ururka dowladaha Islaamka ah, iyada oo xigsatey boos ay ugu kala dab qaaddo (goortii loo baahdo) ururka iyo dowladaha Afrikada ee ka hooseeya saxaraha. 1973-kii, waxaa Xamar yimid Jeneral iidi Amiin Dada (Madaxweynihii Ugaandha) iyo Jeneraal Jacfar Maxamad Al-Numeyri (Madaxweynihii Suudaan),iyaguna halkaas ayaa lagu heshiisiiyey. Isla sanadkaas Soomaaliya waxaa ay xubin ka noqotay Jaamacadda dowladaha Carabta, iyada oo matasha dowladda qura oo aanan afka carabiga ku hadlin haddana xubin ka ah ururka.
1974-kii, waxaa Xamar lagu qabtay shir-weynihii madaxda dowladaha Afrika, kaas oo siyaasaddii dibadda ee Soomaaliya ku kordhiyey sharaf. Jeneraal Maxamad Siyaad wuxuu si toos ah uga qayb-qaatey fadhiyadii qiimaha lahaa oo dhexmaray dowladda Portuguese oo dhinac ah iyo dowladihii ay gumeysan jirtay Angola iyo Mozambique. Fadhiyadaasi waa kuwii loogu gogol-xaarayey madaxbannaanida dalalkaas Afrikaanka ah. AASAASKII XISBIGA HANTIWADAAGGA KACAANKA SOOMAALIYEED Mowduuca Xisbiga, ahmiyadda uu u lahaa dagaalka darteed ayaanu faallo dheeri ah u siinay. Taliskii kacaanka markii uu la wareegay maamulkii dalka, waxyaabaha uu mamnuucay waxaa ka mid ahaa in dalka uu yeesho axsaab siyaasadeed oo madax bannaan. Sannadkii 1971-kii madaxweyne Maxamad Siyaad wuxuu ballan qaadey in la?aasaasi doono xisbi siyaasadeed oo qaranka ka dhexeeya. 21-10-1973-kii, Jeneraal Maxamad Siyaad wuxuu shaaca ka qaaday in golaha Sare ee kacaanka ay guddoonsadeen in loo gogol xaaro sidii loo dhisi lahaa xisbi dalka ka taliya. Dowladdu wexey sameysey xafiis laga wacyi galiyo dad-weynaha, si garaadkooda siyaasadeed loo kordhiyo. Ujeeddaduna waxaa ay aheyd in la helo dad xul ah oo gun-dhig u noqda xisbiga qura ee dalka ka talin doona. Xafiiskaas oo magaciisa la oran jirey Xafiiska Xiriirka Dad-weynaha "Public Relation Office", waxaa aasaaska xafiiskaas loo xil saaray sarkaal dhallinyaro ah oo la yiraahdo Gaashaanle Jaamac Cali Jaamac. Dushana waxaa ka maamulayey sarkaal ka tirsanaa Golahii Sare ee Kacaanka oo la yiraahdo gaashaanle sare Muuse Rabiile Good. Xafiiska wuxuu ku guuleystey in uu guddiyo siyaasadeed u sameeyo shaqaalaha waaxyaha dowladda sida warshadaha, beeraleyda, wakaaladaha, wasaaradaha, ciidammada iyo iskaashatooyinka. Sannadkii 1974-kii degmooyinka iyo tuulooyinka dalka waxaa laga furay xafiisyo siyaasadeed oo dadka lagu wacyi gelinayo, laguna barayo qawaacidda ay leedahay mabaadiida hantiwadaagga cilmiga Marxism Leninism. Arrimahaasi, sidaan soo sheegnay, waxaa ay ahaayeen kuwo loogu gogol xaarayay in kawaadir loo diyaariyo xisbiga la aasaasi doono. Guddiyadaa laga sameeyay tuulooyinka iyo degmooyinka ayaa waxaa laga doortay gole goboleed. Golahaas baa waxaa laga soo doortey xubno ka qeyb gala aasaaska xisbiga. Gaashaanle Jaamac Cali Jaamac waa laga wareejiyey xilkii uu xafiiska u hayey, waxaa booskiisii loo dhiibey Dhamme Maxamad Cumar Cismaan. Muddo gaaban dabadeedna waxaa xilkii xafiiska lagu wareejiyey Gashaanle sare Cabdulqaadir Xaaji Masalle oo ka tirsanaa Golihii Sare ee kacaanka. 26-6-1976-kii, dugsigii boliiska ee Xamar waxaa lagu soo xareeyey dad gaaraya 3.000 (Saddex kun) oo qof oo ka kala socday gobollada iyo degmooyinka uu dalku ka kooban yahay iyo hey?adaha dowladda. Doodo iyo warbixinno socday shan maalmood ayaa wufuuddii ay is dhaafsadeen. 1-6-1976-kii, waxaa lagu dhawaaqay baaq ka soo baxay fadhigii, kaas oo ahaa in la aa'saasay xisbigii la oran jiray Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed kaas oo marka la soo gaabiyo noqonaya "X.H.K.S". Waxaa kale oo halkaas lagu doortay golihii dhexe ee xisbiga oo tiradoodu ahayd 73 xubnood, guddigii siyaasadda ee xisbiga oo iyaguna ahaa 5 xubnood iyo guddoomiyiha xisbiga oo noqday Sarreeye Gaas Maxamad Siyaad Barre. Saraakiishii Golihii Sare ee Kacaanka dhammaantood waxaa ay ka mid noqdeen xubnihii golaha dhexe ee xisbiga, markaasna tiradoodu waxaa ay dhammeyd 19 nin, halkaas oo ay dharkii milletariga ay iska dhigeen oo ay labis rayid ah ku qaateen, dabadeedna si toos ah ayey maamulayaal iyo wasiiro uga noqdeen noloshii rayidka ahayd iyo tii siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaa la guddoonsadey in fadhiga golaha dhexe uu noqdo saddexdii biloodba mar,guddiga siyaasadduna toddobaadkiiba mar. Awoodda dhabta ah ee xisbiga waxaa lahaa shanta xubnood ee guddiga siyaasadda oo kala ahaa: Sarreeye Gaas Maxamad Siyaad Barre Madaxeynaha jamhuuriyadda Soomaaliya iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga. Sarreeye Guuto Maxamad Cali Samatar : ku xigeenka koowaad ee Madaxweynaha, ahna wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidammada Soomaaliya. Sarreeye Guuto Xuseen Kulmiye Afrax :ku xigeenka labaad ahna wasiirka arrimaha gudaha. Gaashaanle Sare : Ismaaciil Cali Abbokor : wasiirka wasaaradda warfaafinta. Gaashaanle Sare : Axmad Suleymaan Cabdalle : taliyaha ciidammada nabad sugidda Soomaaliyeed (N.S.S). Siyaasaddii dalka waxaa ay noqotay mid ku saleysan nidaam ah dimoqraadiyadda urursan (Democratic Centralism). Golaha dhexe ee xisbiga ma ahayn mid la keli ahaa bandhigga aragtida siyaasadeed. Talooyinka siyaasadda waxaa awood u lahaa in ay ka hadlaan ururradii dalka ka jirey oo la aasaasey muddadii dalka lagu dhaqayey aragtida Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan. Ururradaasi waxaa ay ahaayeen Ururka Dhallinyarada Kacaanka, Ururka Diimoqraadiga Haweenka Soomaaliyeed iyo Ururka Shaqaaalaha. Xaqiiqaduse waxaa ay aheyd in Maxamad Siyaad uu ahaa keligiis qofka ay talada ka go?aysey, ragga keliya oo xilligaas uu kala tashan jiray arrimaha dowladda waxaa ay ahaayeen la taliyayaal Ruush ah. Xubnaha uu X.H.K.S. ka koobnaana, iyo xubnaha ururrada bulshada intuba waxaa ay ahaayeen dad isaga taabacsan, kuwaas oo ka socday qaybaha bulshada oo idil iyadoo weliba ictibaar gaar ah la siinayey xubnaha ay qabiilooyinku ka yihiin. Taabacsanaanta kacaanka waxaa ay ka imanaysey qabiil, maslaxad gaar ah oo la ilaashado, nin askari ah oo ku tarbiyadoobay in uu amar qaato, qof maan gaab ah oo aanan garaneyn sababta uu ku raacay, mid cabsi iyo fuleynimo u raaca, iyo qof sidiisaba u liita. Arrimahaasi waxaa ay ahaayeen bidhaan muujineysa in madaxweynaha loo oggolaadey in uu yeesho awood uu wax ku hoggaamiyo oo ka adag tii uu lahaa markuu hoggaanka ka ahaa Golahii Sare ee Kacaanka. Intii ka dambeysay dhismahii xisbiga hantiwadaagga kacaanka soomaaliyeed "X.H.K.S" dhismaha dowladdii soomaaliyeed waxaa ay u dhisnayd sidatan : I) Madaxtooyada Jamhuuriyadda oo ka koobnayd: a- Guddoomiyaha golaha wasiirada. b- Guddoomiyaha golaha difaaca qaranka. c- Taliyaha guud ee ciidammada Soomaaliyeed d- Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka. e- Xoghayaha guud ee X.H.K.S. II) Madaxweyne ku xigeenn : a- Madaxweyne ku xigeenka koowaad b- Madaxweyne ku xigeenka labaad. c- Madaxweyne ku xigeenka saddexaad. III) Guddiyada Golaha Sare ee Kacaanka: a- Guddiga difaaca iyo amniga. b- Guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maaliyadda. c- Guddiga siyaasadda. d- Guddiga bulshada. e- Guddiga hanti-dhowrka. IV) X.H.K.S. (Xafiisyada golaha dhexe): a- Xafiiska arrimaha golaha dhexe. b- Xafiiska ururada iyo abaabulka dad-weynaha. c- Xafiiska ideoloojiyada. d- Xafiiska arrimaha dibadda. e- Xafiiska howl-galka. f- Xafiiska arrimaha bulshada. g- Xafiiska iskaashatooyinka. h- Xafiiska degmooyinka iyo gargaarka degdegga ah. i- Xafiiska dabagalka golaha dhexe. j- Xafiiska baarista golaha dhexe. V) Golayaasha dad-weynaha: a- Guddiga siyaasadda. b- Guddiga arrimaha bulshada. c- Guddiga sharciga d- Guddiga dhaqaalaha. e- Guddiga difaaca iyo nabad-gelyada. VI) Ururada Bulshada: a- Isutagga guud ee ururada shaqaalaha. b- Ururka Dhallinta Kacaanka Soomaaliyeed. c- Ururka Dimoqraadiga Haweenka Soomaaliyeed. VII) Golaha Wasiirrada: 1- Beeraha. 2- Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. 3- Ganacsiga. 4- Hiddaha iyo Tacliinta Sare. 5- Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa. 6- Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga. 7- Difaaca. 8- Waxbarashada. 9- Macaadinta iyo Horumarinta Biyaha. 10-Maaliyadda. 11-Arrimaha Dibadda. 12-Qorsheynta Qaranka. 13-Kalluumeysiga. 14-Dekadaha iyo Gaadiidka Badda. 15-Warshadaha. 16-Caafimaadka. 17-Boostada iyo Isgaarsiinta. 18-Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha. 19-Dalxiiska. 20-Gaadiidka. 21-Caddaaladda iyo Diinta. 22-Cayaaraha iyo Dhallinyarada. 23-Danaha dadweynaha Shirkii lagu aasaasey X.H.K.S. wuxuu dhammaaday iyada oo Maxamad Siyaad loo ansixiyey in uu qabto xilal kala duwan oo ah kuwa ugu sarreeya ee dowlad loo qabto. Xilalkaasi waxaa ay kala yihiin kuwan hoos ku xusan: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Guddoomiyaha golaha wasiirrada ee Soomaaliya. Xoghayaha koowaad ee X.H.K.S. Guddoomiyaha maxkamadda sare. Guddoomiyaha golaha difaaca qaranka Soomaaliya. Waxaa awood loo siiyey in uu diidi karo go?aamada ay gaaraan golaha shacabka . Waxaa awood loo siiyey in uu dalka dagaal gelin karo goortii uu doono. Waxaa awood loo siiyey in iyada oo dagaal lagu jiro uu nabad ku baaqi karo. Waxaa loo ansaxiyey in uu lahaado saddex madaxweyne ku xigeen. Waxaa kale oo jiray in madaxweynaha halkaas lagu guddoonsiiyay darajada ugu sarreysa oo nin ciidan ahi la siiyo ee ah Marshall, taasi isaga ayaa diiday in uu aqbalo. Markii uu xisbigu soo shaac baxay, muddo gaaban dabadeed wuxuu ku guuleystay in uu dadweynihii ka helo dad badan oo doonaya in ay xisbiga xubno ka noqdaan.Taasina waxaa saacidayay dicaayaddii wasaaraddii warfaafinta iyo abwaannadii dowladda ee u adeegayey xisbiga. Sannadkii 1980-kii tirada xubnaha xisbiga waxaa ay kor u dhaaftey 20.000 oo qof. Dadkaasi waxaa loo qeybin karaa sidatan: A- Qolada ay talada ka go?do oo ah Maxamad Siyaad iyo ag-joogayaalkiisa? B- Qolo aaminsanaa mabaa'diida hantiwadaagga oo doonayay in ay dalka ku faafiyaan oo u badnaa rag aqoonyahanno ah. C- Qolo laab lakac u raacay oo ku jidboobay suugaantii badneyd oo ahayd ammaanta xisbiga iyo hoggaamiyaha xisbiga oo idaacadda ka bixi jirtey. D- Qolo daneystayaal ah oo maslaxad ku ilaashanayey xubinta ay ka yihiin X.H.K.S. Madaxdii dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan madaxweyne Maxamad Siyaad wuxuu is tusiyey, tallaabooyinkaas wanaagsan oo isaga iyo dowladdiisiiba u kordhisay sumcad wanaagsan dibad iyo gudaba iyo awoodda gacantiisa ku soo ururtay in uu u kaashan karo dagaal uu dalka galiyo oo aanan taladeeda cidina la wadaagin, kaas oo haddii lagu guuleystona uu magac ku helayo, haddii lagu guul-dareystona eeyan jirin cid awood u leh in ay la xisaabtanto. Markaas baa waxaa bilaabatay in Jeneraal Siyaad uu guntiga u xirto in uu fiiro gaar ah siiyo sidii uu wax uga qaban lahaa madax bannaanida gobollada Soomaaliyeed ee maqan. Dowladda Soomaaliya waxaa ay si wanaagsan ula socotey xaaladda qallafsan ee uu ku sugnaa maamulka dalka Itoobiya. Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey Addis-ababa Cabdiraxmaan Axmad Cali (Tuur), isaga iyo diblomaasiyiintii soomaaliyeed ee kale ayaa xilligaas si wanaagsan u shaqeeyay, kuna dadaaley in ay akhbaar waafi ah soo gaarsiiyaan dowladda Soomaaliya oo ay kaga warramayaan kala daadsanaanta ay Itoobiya ku sugan tahay. Bartamihii sannadkii 1976-kii ayuu madaxweyne Maxamad Siyaad wuxuu wargelin siiyay guddigii siyaasadda ee xisbiga, taas oo uu ku caddeynayey in uu doonayo in uu duullaan ku qaado Itoobiya oo xoog looga soo ceshado dhulkii ay Soomaalida ka qaadatay, isaga oo sabab ka dhiganaya xilliga adag oo ay Itoobiya mareyso, Xubnihiina waa ay ku waafaqeen.? Dowladdii Soomaaliyeed waxaa ay furtay xeryo ay ku qaataan tababar ciidameed dhallinyarada xiisadda u haya in ay helaan tababar ciidan si ay uga qayb qaataan halganka lagu xoreynayo gobollada Soomaaliyeed oo ay xabashidu heysato. Xeryahaasi mid waxaa ay ku tiil meel magaalada Xamar dhanka koonfureed 30 km. ka jirta oo la yiraahdo Qorilow, midna waxaa laga furay meel magaalada Hargeysa agteeda ah. Xero saddexaad baa waxaa laga furay gudaha dalka Itoobiya, meel magaalada Drirdhabe agteeda ah. Xerada saddexaad waxaa loogu tala galey jabhaddii la oran jiray Jabhadda Xoreynta Xeebta Soomaaliyeed F.L.C.S. xubnaheeduna badankood waxaa ay ahaayeen beesha Ciise-madoobe (Dir). Jabhaddaasi waxaa ay howlo isugu jira afduub, dil iyo qarxisba ka wadeen magaalada Jabuuti dhexdeeda. Tirada dhallinyarada xeryihii kala duwanaa soo galay waxaa ay dhaafeen 3.500 oo nin. Waxaa taba-barayaal ka ahaa xeryaha raggii wax ku soo bartay dalka Waqooyiga Kuuriya, mar dambena waxaa la keenay saraakiil dowladda Kuuba ka yimid. Waxaa kale oo xubno firfircoon ka ahaa howlaha xeryaha ka socday, ardeydii xabsiyada laga soo daayey ee dowladda u xirnaa. WARAAQIHII DAHSOONAA Dowladda Itoobiya waxaa ay la socotey diyaargarowga ciidameed iyo duullaanka ay soomaalidu damacsan yihiin. Meelo badan ayey wararka ka heli jireen, Waxaana ka mid ahaa shabakadaha jawaasiista ah oo soomaaliya gudaheeda uga shaqeynayey. Waxaa kale oo ka mid ahaa diblomaasiyiin reer galbeed ah oo Soomaaliya fadhiyey ayaa wararka u gudbin jirey. Danjire Cabdiraxmaan Axmad Cali (Tuur), wuxuu sheegey in marka ay xafladaha isugu yimaadaa saraakiisha dowladda Itoobiya ay u sheegi jireen dagaalka ay dowladda soomaaliyeed damacsan tahay in ay ku soo qaaddo dalkooda, waxa keliya oo eeyan ogeyna uu yahay xilliga ay Soomaalidu dagaalkaas bilaabayaan. Waxaa kale oo dhici jirtay in Itoobiyaanku ay akhbaar ka helaan dhanka Mareykanka, waxaana ay u qaadan jireen marin habaabin iyo shirqool uu Mareykanku la doonayo maamulkooda. Mararka qaar waxaa dhici jirtay in xafiisyada dowladda Itoobiya qaar ka mid ah ay ku soo dhacaan waraaqo ay ku magacaabeen warqadihii dahsoonaa (Mysterious letters), kuwaas oo ka imanayey meelo Afrika ka mid ah oo aanan la?ogeyn qof soo diray iyo wax ka dambeeya toonna. Waraaqahaasi waxaa ay ka warramayeen dagaalka ay soomaalidu damacsan tahay in ay Itoobiya ku soo qaaddo. Xafiisyada ay waraaqahaas ku soo dhici jireen waxaa ka mid ahaa xafiiska arrimaha dibadda, xafiiska xogheynta madaxweynaha iyo xafiiska madaxweyne Mingistu qudhiisa. Waraaqahaasi, waxaa loo geyn jirey safiirka Ruushka ee xilligaas Addis-ababa fadhiyey Anatoli Ratanov. Dabadeedna waxaa ka doodi jiray safaaradaha dowladaha Hantiwadaagga ah, kuwaas oo run ahaantii ku wareeray, Waayo Ruushku wuxuu fadhiyey Soomaaliya oo xog-ogaal ayuu u ahaa xaaladda ay ku sugan yihiin ciidammada soomaaliyeed iyo halka ay ku wajahan tahay siyaasaddoodu. Xaqiiqaduse waxaa ay aheyd in xaaladda Soomaaliya looga xog-ogaal sanaa. Waraaq ka mid ahaa kuwii ugu horeeyey waraaqahaas oo ku soo dhacday xafiiska arrimaha dibadda waxaa ku qorraa sidatan : Illaa iyo 25-4-1977-kii waxaa socdey diyaargarow lagu abuurayo ciidammo maleeshiya ah, si loogu duulo dalka Itoobiya laguna rido xasillooni darri. Annagaoo tix-raaceyna warar ina soo gaarey, diyaargarow idilkiis oo uu ka mid yahay taakuleyn qalab lagu dagaallamo iyo tababarradiiba waxaa la soo af jarayaa 16-kii bisha sebtember 1977-ka. Waxaana lagu wadaa in howlgalku uu bilaaban doono 1-da bisha oktoober 1977-ka. Magaca sirta ah oo uu howlgalkan leeyahay waa TORCH. Arrinta guud oo looga dan leeyahayna waa in la rido dowladda Itoobiya, dalkana lagu rido xaalad argagixiso ah. Arrintaasina waxaa ay dhaceysaa markii ciidan col u ah Itoobiya ay duulaan kaga qaadaan gobollada ku yaal koonfur galbeed iyo bariga dalka. Markii Mingistu loo geeyey waraaqdii wuxuu u fasirtay in ay tahay mid la xiriirta xiritaankii saldhiggii wararka oo ay hey?adda Mareykanka ah ee la yiraahdo (United States Information Service) ay ku lahaayeen magaalada Asmara. MOWQIFKII DOWLADAHA WAAWEYNAA INTUUSAN DAGAALKU BILAABAN Dowladaha waaweyn ee Ruushka iyo Mareykanka, labaduba si ayey u daneynayeen dagaalka ay dowladda Soomaaliyeed qorsheysatey. Dowladda Mareykanka waxaa ay dooneysey in ay Ruushka ka saarto geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, iyaga oo filaya in haddii ay Soomaaliya dagaal gasho uu Ruushku ka safanayo lana colloobayo. Waxaa kale oo ay dooneysey in Itoobiya la cadaadiyo maadaama ay ku caasiyeen. Sidoo kale ayaa Mareykanka iyo dowlado la xulufo ah ee carbeed ay u xiiseynayeen in tabarta ciidameed ee Soomaaliya iyo dhaqaalaha dalkuba ay is dhimaan kaddib markii ay Itoobiya la dagaalamaan. Dhanka Ruushka, bilowgii wuxuu daneynayey labo arrimood oo ay midi tahay in maamulka boqortooyada Itoobiya la burburiyo oo halkaas lagu beddelo maamul Hantiwadaag ah. Arrinta kale waxaa ay tahay iyada oo ay Ruushka ceebi ka soo gaartey dagaalkii ay Israa?iil kaga guuleysatey dowladihii carabta sannadkii 1967-kii. Carabtu waxaa ay ku dagaalamayeen hub uu Ruush leeyahay,Israa?iilna hub Mareykan. Halkaas waxaa muuqatey in hubkii Mareykanka uu ka waxtar weynaadey kii Ruushka. Sidaa darteed Ruushku wuxuu doonayey soomaalida oo la ogyahay in ay yihiin dad dagaallama, ayuu rabey in uu ku soo ceshado kalsoonidii ay hubkiisu ku lahaayeen suuqyada caalamiga ah. Hubkaasi oo xilligaas ay heysatey qiimo dhac weyn. Dhanka kalena, Ruushku wuxuu doonayey inuu cadaadiyo madaxweynaha Itoobiya Col. Mengistu oo markii hore ay aragtidiisu aheyd aragtidiisa Hantiwadaagga ah ee u janjeertay dhinaca Shiinaha iyo Kuuriyada waqooyi. Waxaa dhacdey in aragtidii uu Ruushanku ka qabey in Itoobiya lagu duulo ay is beddeshey markii uu Col. Mengistu ku guuleystey in uu gacanta ku dhigo taladii dalka. Markii boqor Xeyle Selaese lagu kacay, Ruushku wuxuu u sheegay madaxweyne Siyaad in uu Mengistu imanayo talada dalka Itoobiya, iyo weliba inay rajo wanaagsan ka leeyihiin. Waxaa la yiraahdaa arrintaasi waxaa ay ka mid ahayd waxyaabaha Maxamad Siyaad cabsida geliyey, oo shaki ayuu qaadey in Ruushku uu ciidammada Soomaaliya ka diyaarsado ninkii talada kala wareegi lahaa. Taasaana loo cilladeeyaa in ay ka mid aheyd sababihii uu Maxamad Siyaad dalka u geliyay dagaal isaga oo aanan cidna kala tashan. Si kastaba sababtu ha ahaatee, madaxdii soomaaliyeed waxaa u muuqatey jawi caalami ah oo ku saacidaya dagaal ay la galaan Itoobiya, misana bilowgii siyaasad sax ah ayey qaateen oo waxaa ay ka fogaadeen tallaabo dagaal ah, iyaga oo halgankoodii ku wajahay Jabuuti in ay ku hor maraan. Xaaladdii JABUUTI Madaxdii Soomaalida waxaa ay guddoonsadeen in ay marka hore culeyska Saaraan Jabuuti, waayo waxaa fadhiyey gumeysi reer Yurub ah (Faransiis), taas ayaana sababeysa in ay gacan kaga helaan dowladaha Afrika iyo caalamka Carabta intaba. Dhanka Itoobiya Soomaalidu waxaa ay is tuseen in ay isha kala socdaan xaaladda burburka ah oo ay dowladda Itoobiya ku socoto, isla markaasna ay ka bilaabaan howlo ay ku urursanayaan macluumaadka ciidammada Itoobiya. Xilligaas Jabuuti waxaa ka jirey labo urur oo siyaasadeed : 1.Union et Progres dans L?Ensemple Francais, waa xisbi ay lahaayeen dadka Cafarta ah ee wax ka deggan Jabuuti, waxaa ay gacan saar la lahaayeen maamulka gumeystaha ah ee degaanka ka jiray. Doorasho la qaadey sannadkii 1974-kii, kuraastii baarlamaanka dhamaantood waxaa ku guuleystay xubnihii xisbigan. 2.Ligue Populaire Africaine pour L? Independence, waa xisbi gobannimo- doon ah, waxaa ku bahoobey Soomaalidii ku nooleyd degaanka, haba u badnaadaane beesha Ciise. Saldhigga xisbiga wuxuu ku yiil Jabuuti, wuxuuna ahaa xisbi qunyar socod ah. Waxaa isna jiray Front de la Cote des Somalis,oo isagu ahaa urur hubeysan oo u dagaalamayey xoreynta xeebta Soomaaliyeed ee uu Faransiisku gumeysto. Ururkaas oo xaruntiisu aheyd Xamar, wuxuu galay howlo ciidameed oo ay ka mid aheyd af-duubkii safiirkii Faransiiska ee Xamar fadhiyay bishii May 1975-kii, iyo mid ay ku af-duubeen bas ay saarnaayeen ardey u socotay dugsiyo, kuwaas oo ay dhaleen shaqaale Faransiis ah. Arrintaasna waxaa ay dhacdey bishii febraayo 1976-kii. Waxaa xusid mudan, doorashadii Jabuuti ka dhacdey sannadkii 1974-kii,Taas oo ay si xoog leh ugu guuleysteen xisbigii Cafarta ee la oran jirey Union et Progres dans L?Ensemle Francais. Xisbigaas oo uu hoggaamiye ka ahaa nin la yiraahdo Cali Caarif ayaa ku guuleystay boosaskii oo idil. Xilligaas, xisbiga matalayey dadka Soomaalida ah ee Jabuuti ku nool (L.P.A.I. Ligue Populaire Africaine pouL?Independene), waxaa hoggaaminayey Xasan Guuleed Abtidoon. 23-5-1975-kii, afar nin oo ka tirsan jabhadda xoreynta xeebta Soomaaliyeed ee fransiisku gumeysto (Fronte de Libe?ration la Coste des Somalia F.L.C.S. ) ayaa waxaa ay magaalada Xamar ku afduubeen danjirihii Xamar u fadhiyay dalka Fransiiska M. Jean Gueury. Afduubku wuxuu ka dhacay kaniisadda Xamar albaabkeeda weyn, halkaas oo danjiraha isaga oo goor fiid ah ka soo baxaya kaniisadda ayna la socoto afadiisii ayaa tacshiirad dusha loo riday, markii ay dadkii kala yaaceen ayaa si degdeg ah lagu kexeystay danjirihii, dabadeedna waxaa lala aadey aqal Villo ah ee ku yiil xaafadda Taleex ee koonfurta degmada Xamar ka tirsan. Markiiba aqalkii waxaa lagu hareereeyay ciidan boliis ah oo hubeysan iyo milleteri la socdey gawaari gaashaaman. Dhallinyarada af-duubka sameeyey waxaa ay codsadeen labo arrimood oo ah : 1. In la soo daayo labo saaxiibadood ah oo xabsi daa?in ku xukuman, kuna xiran xabsiga lagu magacaabo Muret oo ku yaal meel u dhow degmada Toulouse ee dalka Fransiiska. Labada nin waxaa ay kala yihiin : 1. Maxamad Cumar Cismaan iyo 2. Cumar Cilmi Kheyre. 2.In la siiyo lacag madax furasho ah oo gaareysa 100.000 ( U$dollar). Waxaa kale oo ay codsadeen in magaalada Cadan ay noqoto halka leysku weydaarsanayo ragga la kala haysto iyo lacagta. Kaddib markii ay dowladdii Soomaaliya iyo Fraansiiska uu labaduba codsi ka yimid ayey dowladdii Yemen oggolaatey in uu dhulkeeda noqdo meesha uu is weydaarsiga ka dhacayo.Isweydaarsigaas wuxuu dhacay 27-5-1975-kii. Waxaa kale oo jiray kaalmo dhaqaale oo uu Faransiisku u ballanqaadey dowladda Soomaaliya iyo in uu Faransiisku hagaajiyo xiriirka u dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Faransa, iyada oo uu Faransiisku ballanqaadey in uu wax ka baddelo sida uu ula dhaqmo Soomaalida ku nool Jabuuti.Dhacdadaas waxaa ay degaankii ku kordhisey xiisad siyaasadeed. Faransiiska waxaa u soo baxday in uusan si sahlan u sii fadhiyi doonin Jabuuti. Wuxuu qaatey go'aan la mid ah kii uu ka qaatay dalka Al-jeeriya bilowgii sannadihii 1960-aadkii. Go'aankaasi wuxuu ahaa kii uu Jeneraal De Gol uu ku siiyey Al-jeeriya madaxbannaanida iyadoo isla markaas Faransiiska uusan ka lumin maslaxaddii uu degaanka ka lahaa. Bishii disember isla sannadkaas, Cali Caarif oo booqasho ku tegey Faransa, wuxuu Baariis kula kulmay madaxweynihii Faransiiska Giscard d?Estaing. Hoggaamiyaha Cafareed Cali Caarif waxaa loo sheegay in Faransiiska ay ka go?an tahay madaxbannaanida Jabuuti, balse uu Faransiisku doonayo in ay ku baaqi ahaadaan saldhigga ciidameed oo ay degaanka ku leeyihiin. Fadhigaas ayaa mas'uuliyiintii Cafarta loogu sheegey in maamulka Jabuuti loo dhiibayo xisbiga gobanimodoonka ah oo ay soomaalidu leeyihiin ee L.P.A.I. Arrintaasi waxaa ku qanci waayey qolooyin ka mid ah cafartii diidaneyd madaxbannaanida. Sannadkaas bilowgiisii waxaa jiray dagaallo dhexmarayey reer miyiga Soomaalida iyo Cafarta. Dad badan oo Cafar ah ayaa dagaalladaas lagu laayey. Cali Caarif waxba waa u qaban waayey Cafartii, sababtuna waxaa ay aheyd siyaasadda Faransiiska oo xilligaas soo dhoweeneysey Soomaalida. Halkaasna Cali Caarif wuxuu ku lumiyey kalsoonidii ay ku qabeen dadka cafarta ah ee ku dhaqnaa Jabuuti. Reero Cafar ahaa oo ka qaxay Jabuuti ayaa u tallaabay Itoobiya,Halkaas waxaa ay kala kulmeen colaad ka culus tii ay ka soo qaxeen. Waxaa xilligaas soo Xoogoobey khilaaf ka dhex abuurmey maamulkii Itoobiya iyo suldaankii Cafarta Suldaan Mire. Suldaanka oo fadhigiisu ahaa degmada Caashaca, wuxuu horey xiriir wanaagsan ula lahaa Boqorkii la ridey Xeyle Salaisse. Suldaankii, jabhad hubeysan ayuu ku kiciyey xukuumaddii Mengistu, dabadeed Xabashidii ciidan xoog leh ayey ku kiciyeen cafartii ku nooleyd degaanka Caashaca. Ciidankaasi si dugaagnimo ah ayey ula dhaqmeen dadkii degaanka. Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya xilligaas uu taagnaa baa waxaa degaanka ku soo kordhey fadhiyo caalami ah oo looga wada hadlayo madax bannaanida Jabuuti. Degaankaas oo itoobiyaankuna u ah dhuunta uu hunguriga maro oo kale, dadka degganna ay yihiin Soomaali 2-2-1977-kii, maalin ka hor intuusan Mengiste xukunka qabsan ayaa Herbert Malin oo ahaa qunsulkii siyaasadda safaaradda Mareykanka ee Itoobiya, wuxuu kulan la qaatey S. Sinitsin oo ahaa Soviet Conselor Minister in Ethiopia. Malin wuxuu fadhigaas ku caddeeyey in dowladdiisu eeyan weli qaadin tallaabo diblomaasiyadeed oo lagu hagaajinayo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo in dowladda Itoobiyana eeyan wax codsi heshiisiin ah u gudbin dhanka dowladda Mareykanka. Waxaa kale oo diblomaasigaas Mareykanka ahi uu hadalkiisii raaciyey : Waxaan filayaa in xiriirka labada dal (Soomaaliya iyo Itoobiya)uu sii kharibmayo kaddib marka Jabuuti ay hesho madax bannaanideeda sannadkan dhexdiisa. Bilihii la soo dhaafey Soomaaliya waxaa ay ku guuleysatay in ay Jabuuti ku yeelato saameyn siyaasadeed oo weyn, Xiriir adagna waxaa ay la yeelatay mas'uuliyiinta reer Jabuuti. Arrinkaas wuxuu cabsi wayn ku abuurey dowladda Itoobiya. Waxaa kale oo jira, markii ay Jabuuti xorowdo, in ay si toos ah ugu biiri doonto Jaamacadda dowladaha carabta, kuwaas oo ay la yeelan doonto xiriir dhaqaale. Waxaa la filayaa in arrnku uu sii murugsanaanan doono. Kuwo badan oo ka mid ah dowladaha carabta ayaa qunsullo ka furtay Jabuuti. Ururkaas wuxuu ahaa halka uu cadaadiska dhabta ah kaga imanayey maamulkii gumeysiga ee Faransiiska ee Jabuuti fadhiyey. Dabadeed Faransiiskii wuxuu go?aan ku gaarey in uu Jabuuti siiyo madax-bannaani buuxda. Bishii disember 1975-kii, kulan ka dhacay magaalada Baariis oo ay isku arkeen Cali Caarif iyo madaxweynihii Faransiiska Giscard d? Estaing, ayaa Cali Caarif loogu sheegay in Faransiisku doonayo in uu Jabuuti siiyo madaxbannaani buuxda , iyadoo uu Faransiiskuna rabo in uu xejisto booskii uu ku lahaa oo ay ciidamadiisu fadhiyeen. AASAASKII JABHADIHII XOREYNTA SOOMAALI GALBEED Qorshihii ugu horreeyey ee ku saabsanaa dagaalkii Itoobiya lagu qaadey wuxuu dhacay bishii Nofember sannadkii 1975-kii, markaas oo magaalada Qoryooley lagu qabtey fadhi saddex maalmood socday oo ay ka soo qeyb-galeen rag gaaraya 300 oo nin oo ka socdey qaxootigii ku sugnaa dalka Soomaaliya ee degaanka Ogaadeenya ka yimid. Halkaas waxaa laysku tusiyey in liidashada ay dowladda Itoobiya liidato ay suurta-gelineyso in haddii dagaal lagu qaado lagaga adkaanayo. Dhowr maalmood dabadeed boqollaal rag ah ayaa waxaa la farey in ay xuduudda ka tallabaan, dabadeedna waajibaad la siiyey ay gudaha Itoobiya ka soo fuliyaan. Gaashaanle Sare Galaal ayaa ciidankaas sii dhoweeyey oo wuxuu uga soo harey degmada Bar-daale ee Beydhabo iyo Luuq u dhexeysa. Hadalladuu ku sagootiyey waxaa kamid ahaa: Dowladdii soomaaliyeed iyo shacabkeedii, wixii ay idiin heli kareen waa ay idin siiyeen, wixii intaas dhaafsiisan waxaad ku leedihiin Itoobiya ee u doonta. Ciidamadii waxaa ay ka tallaabeen xuduudda koonfureed ee Itoobiya kuwaas oo sitey hub cusub laakiin aanan casri aheyn. Ciidamadaasi markey gudaha Itoobiya galeen waxaa ay isu qey-biyeen labo qeybood, waxaana ay kala aadeen Baali iyo Siidaamo. Qeyb ka mid ah ciidankaasi waxaa watey Ruube waxaana ay ka koobnaayeen 750 nin oo awr u raran tahay. Ciidankaasi waxaa ay gaareen galbeedka gobolka Baali, halkaas oo ay labo kooxood isu qeybiyeen. Koox uu hoggaaminayey Ruube waxaa ay ku nagaadeen degmada Delo, kooxda kale oo uu hoggaaminayey Siraaji Xaaji Isaaq Daadi waxaa ay aadeen dhanka waqooyiga iyo agagaarka degmada Ginir. Ruube intuusan Baali gaarin wuxuu farriin u diray Waaqow Guuto oo howshan odey ka ahaa . Waaqow markiiba wuxuu ciidankii ku soo xoojiyay rag kale oo tababar ugu jiray xeryo Soomaaliya ku yiil. Ciidammada Siidaamo waxaa dusha ka heystay nin la yiraahdo Cabdullaahi Xaaji Xasan (Geri) kaas oo isagu ka mid ahaa raggii ku soo tababartay Waqooyiga Kuuriya. Intii uu ciidankaasi dhexda sii socdey meelo dhowr ah ayey isaga hor yimaadeen ciidamadii dowladda Itoobiya, waxaana dhex marey dagaallo. Markii ay dagaaladaasi dhaceen, dowladdii Soomaaliyeed waxaa ay guddoonsatey in ay dagaalka ballaariso oo ay iska hormariso jabhado sita magacyo kala duwan oo ka dagaal gala gobollo kala duwan. Go?aankaasi waxuu ahaa kii sababey in ay dowladdu sameyso magacyihii jabhadaha dagaallamayey ay wateen oo kala ahaa (Western Somali Liberation Front W.S.L.F.) iyo (Somali Abo Liberation Front S.A.L.F.). Fadhi mar dambe loo qabtey W.S.L.F.buu Maxamad Siyaad wuxuu ku sheegay in ujeeddada uu Abboo u bixiyey ay aheyd iyadoo laga rabey Oroma-da dhulka buuraleyda ah deggan in ay dagaalka ay Soomaalidu ku qaadeen Xabashida ay gacan ka geystaan, waayo Soomaali keligood kama ay dagaallami karaan Baali iyo Siidaamo haddii eeyan Oromada gacan ka helin. Hadalkaa waxaa sheegey Duraan Axmad Xaashi oo fadhigaa goobjoog ahaa. Jabhadda W.S.L.F. wuxuu magaceeda baxay bishii janaayo 1976-kii mar fadhi lagu qabtay tuulada la yiraahdo Yaaq-bariweyn ee u dhow degmada Wanlaweyn. Halkaas waxaa lagu doortey guddi uu magacaabay Maxamad Siyaad, waxaana ku ayiday rag isaga taageersanaa. Fadhiga isaga iyo saraakiil sare ee dowladdiisa ah ayaa maamulayey.
Waxaa la doortey 25 xubnood oo ah gole dhexe, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 10 nin oo jaamicado ka oo qalin jebiyey, 5 ka mid ah waxaa ay wax ku soo barteen dalka Masar, waxaa kale oo ka mid ahaa hal qof oo haween ah. Ugu yaraan 3dex ka mid ah guddiga waxaa ay ku soo tababarteen dalka Waqooyiga Kuuriya. Intooda badan da?dooda aad bey uga yareyd in ay hoggaamiyaan halgan noocan oo kale ah. Golahaasi intiisa badan waxaa ay ahaayeen beesha Ogaadeen,qabaa?ilka kale ee degaanka waxaa kaga jirey dad matala. Xoghayaha guud ee golaha waxaa loo doortey Cabdullaahi Xasan Maxamad oo xilligaas shaqaale ka ahaa wasaarada waxbarashada Soomaaliya. Cabdullaahi wuxuu kormeere ka ahaa dugsigii sare ee Jamaal Cabdi Naasir ee Allaahida, reerka uu u dhashayna waa (Bartire). Bartiruhu waa qabiil Soomaaliyeed ee degaankoodu yahay magaalada Jigjiga, laakiin Cabdullaahi waa nin ku dhashay Qarrijiqood oo degmo Ogaadeen ah. Halkaas waxaa ka muuqaneysa in beelaha Ogaadeen eeyan ka dideynin in nin noocan ah uu hoggaamiye ka noqdo halganka. Inkasta oo magacaabidda Cabdullaahi ay ka timid madaxweynaha, misana ninka taladeeda lahaa, sida la wariyey wuxuu ahaa Gaashaanle Sare Maxamuud Shiikh Yuusuf(waxuu ku dhintay diyaaraddii la dhacday jeneraal Cismaan Saalax). Uurdoox oo xabsiga ka soo baxay waxaa loo doortay ku xigeen. Fadhigu ma'aheyn mid ay dood ka furan-tahay. Magaca ururka oo keliya ayaa laga doodey, mar dambena waxaa leysku raacey W.S.L.F. Fadhigaas waxaa leysku afgartey dhulka la yiraahdo Soomaali galbeed inta uu noqonayo. Waxaa la xadeeyay xuduuddii dhulka Ogaadeenya, waxaana lagu heshiiyay sidatan : dhanka waqooyi wuxuu ku eg yahay webiga Hawaash, koonfurna degmada Feerfeer, dhanka bari degmada Ceelcad, gabeedkana degmada Mooyaale. Xilligaas wuxuu ahaa xilli aanan la?aasaa-sin weli jabhaddii Abbo jinaaxeedii siyaasadda, inkasta oo ay ciidamadoodii howlgallo ku jireen. In badan oo ka mida dhulka fadhigan lagu xadeeyey waxaa lahaa reer Abbo. Arrin kale oo nuq-saan ah ee ka muuqatay baa waxey ahayd in fadhigu ay ka maqnaayeen beelo badan ee Soomaaliyeed ee dega gobolka Ogaadeenya. Taasina waxaa loo badinayaa sababta ay ku dhacday in ay tahay kalsooni ay dowladdu isa siisay oo ah mar haddii ay Soomaaliya xukumaan, qabaa?ilka faracyada ah ee Ogaadeenya degganna waa ay idin hoos imanayaan. Arrintaasina ficil bey u sameeyeen oo matalan Faarax Waceys Duule oo xilligaas ahaa wasiirka shaqada iyo cayaaraha wuxuu masuul ka ahaa abaabulka beesha Ciise ee waqooyiga Itoobiya. Waa arrin aanan khalad aheyn aragtida noocaas ah in ay is tusiyaan dad Soomaaliya masuul ka ah, laakiin halka khaladka ka jirey baa waxey aheyd in aanan dadkii degaanka taladii wax laga siinin. Markii dowladdii soomaaliyeed ay ku guuleysatay in ay dhisto ururkii ahaa Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed, lix bilood dabadeed ayaa ururkii Abboo isna la dhisay, wixii muddadaas ka horreeyay dagaallada ka socday Baali iyo Siidaamo ma eeyan habeysneen. Bishii juun bartamaheedii sannadkii 1976-kii ayaa fadhi lagu qabtay degmada Qoryooley, waxaa ka soo qeyb galay saraakiishii hoggaaminayay kooxaha dagaalka wadey iyo odeyaashii qaxootiga gobolladaas ka yimid. Halkaa waxaa lagu doortey 9 nin oo guddi fulin ah. Xoghaye guud waxaa loo doortey Ruube, ku xigeen waxaa isna loo doortay Waaqoow Guuto oo labaduba ay ahaayeen Oromo. Golaha waxaa ka mid ahaa labo nin oo tacliintoodu gaarsiisan tahay heer jaamicadeed. Ruube sababta loo doortay waxaa ay aheyd isaga oo Soomaalida xiriir fiican la lahaa. Fadhiga waxaa kale oo lagu guddoonsadey calan uu ururka Abboo leeyahay iyo in dagaalka lagula jiro Xabashida la joogteeyo. Arrin muran dhalisay baa wexey aheyd markii leysku dayey in la sawiro joqraafiga uu dhulka Abboo ku fadhiyo, halkaasna waxaa isku khilaafay labadii jabhadood, waayo jabhadda W.S.L.F. waxaa ay sheeganeysay gobolka Baali intiisa badan iyo koonfurta Siidaamo. Waxaa kale oo muran dhaliyey iyaduna magacii jabhadda loo bixin lahaa. Fadhigaasi wuxuu ku sigtay in leysku af-garanwaayo, ugu dambeystiise waxaa la soo bandhigay aragtiyaal kala duwan oo ku saabsan magaca ururku yeelan doono. Qolo waxaa ay soo jeediyeen in la qaato magaca Soomaali Galbeed oo uu Waaqow Guuto horey u isticmaali jiray sannadihii 1960-aadkii. Taasi waxaa ku qanci waayey xubnihii Oromada ahaa ee jeclaa halka magaca Soomaali la istic-maalayo in ay ka habboon tahay magaca lala baxayo in uu ka muuqdo magaca Oromo. Magaca Oromo oo qayaxanna Soomaalida ayaan raalli ku noqoneyn waayo waxaa jira Oromo badan oo diintoodu tahay kirishtaan, afkooduna yahay Af-amxaariga, kuwaas oo ku milmey siyaasadda Itoobiya. Oromada noocaas ah waxaa ay ciidammada Itoobiya ku leeyihiin saraakiil iyo askar badan, waxaa laga xusi karaa oo ka mid ah Tafare Baante oo ahaa janeraalkii uu Mingiste ka qabsadey xukunka. Magacyada la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa (Jabhadda Baali iyo Siidaamo), iya-duna si wadajir ah ayaa loo diiday. Ugu dambeyntii waxaa leysku waafaqay magaca ah (Soomaali Abboo) kaas oo magaca Soomaalina lagu xusay, ereyga Abboona lagu xusay. Abboo waa eray leysugu yeero oo la macna ah halka ay Soomaalidu (Waryaa) ka tiraahdo, waxaana isticmaala Oromada deggan gobollada Baali iyo Siidaamo oo keliya. Sidaas baa muwaafaqo lagu helay lagula baxo magac ay ka muuqdaan dadkii degaanka. Waxaa kale oo iyadana muran adag ka yimid shakhsiyadda (Identity) ay jabhaddu yeelaneyso iyo degaankeeda. Ragga Golaha fulinta loo doortay badankood waa raggii sannadihii 1960-aadkii ka soo qeyb qaatay dagaalladii Itoobiya lala galay. Dadka deggan degaamada la doonayo in lagu duulo waxaa u taliya odeyaal qabaa?il (Traditional Leaders). Halkaa waxaa muuqata in ay adkaaneyso in Golahan ay ku guuleystaan in ay helaan kalsoonida dadweynaha degaanka. Sidaa darteed baa waxaa ay ku qasba-naadeen in fikradda lagu dagaal gelayo ay ahaato mid diini ah dagaalkana loo yeelo weji ah gaalo iyo islaam diriraya. Taasi waxaa ay sahleysaa in taageero buuxda laga helo dadka degaanka. Sannadkii 1976-kii iyo bilowgii sannadkii 1977-kii, waxaa jiray dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo xoog badan, kaas oo dowladaha danaynayay degaanka ay kaga wada hadlayeen xiisadda ka bilaaatay geeska Afrika. Waxaa arrintaas weheliyay kulamo ay is-dhaafsanayeen dibolomaasiyiin iyo mas?uuliyiin matalayay dowladaha waawayn iyo dowladaha ay xiisaddu dhex-tiil. Xilligaas waxaa si muuqata u soo xoogoobayay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaa arintaas weheliyay xiisad kale oo ku soo korodhay degaanka. Taasina waxay ahayd madaxbannaanida dalka Jabuuti. Dalkan oo dadka ku nool ay yihiin Soomaali ayaa Itoobiya wuxuu u yahay dhuuntii hungurigu u marayay. Bishii jenaweri 1976-kii, fadhigii ay lahaayeen madaxdii ururka midowga Afrika O.A.U. ayaa waxaa lagu qabtay Addis-Ababa. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen madaxweynayaasha dalalkii ururka xubnaha ka ahaa, ayaa madaxwaynihii Soomaaliya Maxamad Siyaad Barre, laba jeer si gaar ah ula kulmay madaxdii Itoobiya. Waxay ka wada hadleen muranka dhex yaal labadooda maamul ee ah dhulka Ogaadeenya. Madaxdaasi waa ay ku guul dareysteen in ay talo mid ah gaaraan. Mas?uuliyiinta Itoobiyaanku waxay ogaayeen in Soomaalidu ay Ogaadeenya ka wadaan howl-gallo ciidameed oo ay la beegsanayaan ciidamada Itoobiya ee gobolka fadhiya. Labada madaxweyne waxay soo bandhigeen qodobo ay sheegeen in ay isku af-garteen oo ah in la hagaajiyo xiriirka labadooda dowladood iyo in uu dhexmaro iskaashi xagga dhaqanka iyo dhaqaalaha ah. 2-2-1977-kii, maalin ka hor intuusan Col. Mengistu xukunka la wareegin ayaa ninka la yiraahdo Herbert Malin oo ahaa qunsulkii siyaasadda safaaradda Mareykanka ee Itoobiya, wuxuu xafiiskiisa kulan kula qaatey ninka la yiraahdo S. Sinitsin oo ahaa Soviet Conselor Minister in Ethiopia. Qunsulkii Mareykanka Malin ayaa faddhigaas ku caddeeyey in dowladdiisu eeyan weli qaadin tallaabo diblomaasiyadeed oo ay ku hagaajinayso xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya. Qunsulku wuxuu u sheegay ninka martida u ahaa in dowladda Itoobiya, weli codsi ku saabsan heshiisiin labada dal eeyan u soo gudbin dhanka dowladda Mareykanka. Diblomaasigaas Mareykanka ahi wuxuu hadalkiisii raaciyay : " Waxaan filayaa in xiriirka labada dal (Soomaaliya iyo Itoobiya) uu sii xumaanayo kaddib marka ay Jabuuti hesho madax-bannaanideeda sannadkan dhexdiisa. Bilihii la soo dhaafay Soomaaliya waxay ku guuleysatay in ay Jabuuti ku yeelato saameyn siyaasadeed oo weyn,xiriir adagna waxay la yeelatay mas?uuliyiinta reer Jabuuti. Arrinkaas wuxuu cabsi ku abuuray dowladda Itoobiya. Waxaa kale oo jira, markii ay Jabuuti xorowdo, in ay si toos ah ugu biiri doonto Jaamacadda dowladaha carabta, kuwaas oo ay la yeelan doonto xiriir dhaqaale. Waxaa la filayaa in arrinku uu sii murugsanaan doono. Kuwo badan oo ka mid ah dowladaha carabta ayaa kol hore qunsullo ka furtay Jabuuti ". Kalfadhigii XXX ee J.Q.K. United Nations, dowladaha ururka xubnaha ka ah ayaa waxay ansixiyeen in madaxbannaani aan shuruud ku xirnayn la siiyo dalka Jabuuti, iyadoo dhulkeeda eeyan cidina sheegan kareynin (dowladaha deriska ah). Inkasta oo labada dal ee Soomaaliya iyo Itooiya ay ka mid ahaayeen dowladihii u codeeyey madaxbannaanida Jabuuti, misana waxay isku khilaafsanaayeen muuqaalka uu dalkaas yar yeelan doono mustaqbalka. Soomaalidu marna ma eeyan la gabanayn rajada ay ka qabtay in Jabuuti ay mustaqbalka ka mid noqoto bahda Soomaali-weyn. Khudbadihii ay ka jeediyeen wufuudii labada dal fadhigii golaha guud General Assembly, ayaa wuxuu muujinayay in labada dowladood eeyan heshiis ku ahayn wejiga ay yeelan doonto Jabuutida madax-bannaan. Xubnihii Itoobiya u hadlay ayaa sheegey in Soomaalidu ay doonayaan in dalka Jabuuti ay soo geliyaan dad Soomaaliya u dhashey, arrintaas oo ay ku rabaan in ay ku hantiyaan dalka idilkiis. Soomaalida dhankooda, waxay Itoobiya ku tilmaameen in ay tahay dowlad xambaarsan siyaasaddii gumeysiga Colonial Policy. Waxaa tilmaan middaas la mid ah bixiyay madaxwayne ku xigeenkii Soomaaliya jeneraal Maxamad Cali Samatar mar uu socdaallo booqasho ah ku marayay waddamada Yurubta-bari iyo Kuuba sannadkii 1975-kii. Markaas oo ra?yigii jeneraalka uusan ka helin soo dhoweyn madaxdii uu martida u ahaa. Maamulkii Soomaalidu wuxuu xoogga saarey in ay Jabuuti ka mid noqoto Jaamacadda Carabta, si ay uga soo fogeyso Itoobiya. Carabtuna waxay xiiseynayeen degaanka istraateejiga ah oo ay Jabuuti kaga taal badda Cas. Degaankaas wuxuu carabta gacan ku siinayaa in badda Cas loo aqoonsado in ay tahay bad Carbeed. Sidaas baa Jabuuti markii ay xorowday ay xubin buuxda kaga mid noqotay ururka Jaamicadda Carabta. Bilowgii sanadkii 1977-kii, madaxweynihii Soomaaliya Maxamad Siyaad Barre, socdaal dheer ayuu ku kala bixiyay dalal Carbeed oo ay kamid ahaayeen Boqortooyada Sacuudiga, Kuweyt, Imaaraatka Carabta iyo Suudaan. Dalka Suudaan, madaxwaynhu wuxuu ku dhaafay wasiirkiisii arrimaha gudaha Axmad Suleymaan Dafle iyo wasiirkii caafimaadka Muuse Rabiile Good. Labadaas xildhibaan oo ka mid ahaa wafdigii la socday madaxwaynaha ayaa labaduba waxay ka mid ahaayeen saraakiishii Golihii Sare ee Kacaanka. Ujeeddada ay la hakadeen baa waxay ahayd in ay dhameystiraan wadahadallo qabyo ahaa. Shir jaraa?id oo ay labada wasiir ku qabteen magaalada Khartuum ayuu Axmad Sulaymaan ku sheegay in ay habboontahay in xarunta ururka O.A.U. laga qaado Addis-Ababa oo meel kale laga dhigo. Waxaa xusid mudan in codsi kaas la mid ah ay Suudaan horay u dhiibatay. 4- 1- 1977-kii, madaxweynihii jamhuuriyadaha Soofyeetiga N. V. Podgorny ayaa booqasho ku yimid Xamar. Waxaa ay kulmeen madaxweynihii Soomaaliya Maxamad Siyaad Barre. Fadhi ay labada madaxweyne qaateen ayay kaga wada hadleen dhibaatada ka taagan geeska Afrika, iyagoo is tusaaleynaya sidii loo soo af-jari lahaa khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya. Podgorny, wuxuu ka codsaday madaxwaynaha Soomaaliya in uu kulansiiyo madaxweynaha Itooiya. Maxamad Siyaad waa uu oggolaaday. Isla bishaas dabayaaqadeedii, madaxweynihii Midowga Soofyeeti N. V. Podgorny, booqasho rasmi ah ayuu ku soo kala bixiyay dalalka Tansaaniya, Saambiya iyo Musaambiik. 28- 1- 1977-kii, Podgorny magaalada Lusaaka wuxuu kula kulmay madaxdii ururkii A.N.C. ?African National Congress? ee u halgamayay xoreynta dalka Koonfur Afrika. Wadahadalladii uu Podgorny la yeeshey madaxweynayaasha Afrika waxaa ka mid ahaa khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Gaar ahaan labada madaxweyne Julius Nyerere (Tansaaniya) iyo Somoro Michel (Mosambiik) waxay muujiyeen walwalka ay ka qabaan ismaan dhaafka labada dal ee hor u socodka ah iyo mowqifka aanan wanaagsanayn oo ay madaxda Soomaaliyeed ka istaageen kacaanka curdanka ah ee u curtay ummadaha reer Itoobiya. Julius Nyerere wuxuu muujiyay sida uusan ugu niyad samayn in is af-garad ka yimaado geeska Afrika illaa ay mid ka mid ah labada dowladood ee dagaalsan ay caddeysato dagaal furan ee dowli ah. Julius Nyerere iyo Samoro Michel waxay sheegeen in sheegashada Soomaaliya ee dhulka Itoobiya ay burbur ugu filan tahay maamulka kacaanka Itoobiya ee hor u socodka ah. Saddexdaas madaxweyne waxay isku raaceen in taageero buuxda la siiyo dowladda ka dhisan Addis-Ababa iyo in lagu dadaalo sidii loo hagaajin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxdaasi waxay si wadajir ah u qiimeeyeen dowrka weyn oo dowladda Soofyeetiga loo baahan yahay in ay ka qaadato howshan. N.V.Podgorny, soo noqodkiisii ayuu wuxuu ku hakaday Soomaaliya, halkaas oo uu ku yimid booqasho aanan rasmi ahayn. Wuxuu la kulmay madaxweyne Maxamad Siyaad Barre. Waxyaabihii ay ka wada hadleen waxaa ugu weynaa xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda kacsan oo ay geeska Afrika ku sugan tahay. Waxaa kale oo ay isku soo qaadeen fara gelinta ay degaanka ka wadaan dowladaha dib u socodka ah ee Carabta. Maxamad Siyaad wuxuu madaxweynaha martida u ah uu u sheegay aragti uu hadda ka hor kala hadlay oo ku saabsan dhulka ay Itoobiya ka heysato Soomaaliya. Waxaa kale oo uu u sheegay, xasillooni- darrida ka jirta geeska Afrika in ay sabab u tahay dhaqdhaqaaq ay wadaan dad qowmiyiin ah ee Soomaaliyeed ?Internal Nationalistic circles?. Ugu dambeyntii Maxamad Siyaad wuxuu beeniyay in Itoobiya ay tahay dowlad hor u socod ah. Isaguna wuxuu sheegtay in uu ka fog-yahay dowladaha Carabta ah ee dib u socodka ah. Wuxuuna si gaar ah u tilmaamay Masar, Sucuudiga iyo Suudaan. Wuxuu sheegay in madaxweynaha Masaarida Anwar Al-Sa?daat uu la qabsaday dowladaha hantigoosiga ah ee neceb nadaamka dowladda Soofyeetiga. Maxamad Siyaad wuxuu tilmaamay in dowladda Midowga Soofyeeti ay tahay mid u kala war qaadi karta Soomaaliya iyo Itoobiya, sidaa darteed ay dalkeeda ku qabato fadhi ay isku arkaan madaxweynaha Itoobiya Col. Mengistu.
Mahadsanidiin.